Wiilkii Somaaliyeed ee looga shakiyay afduubka Diyaarada KLM ee ka duulaysay KolhnGermany ee ku socotay bariga Africa lagana lahaa waddanka Holland
Wiilkan Somaaliyeed oo 23 sanno jir ah kuna koray Germany isla markaana wax ku bartay , oo cabsi ku reebay walidiinta soomaliyeed ee Europe .inkastoo lagu helin wax huba.
Dhaliyarada Somaaliyeed ee Europe
Dhalinyarada Somaaliyeed ee Europe ku dhalatay ama ku kortay ma yaqaniin qabiil iyo qabyaalad waxay tagaan xafladkastoo Somaali dhiganayso sida maalinta Xoriyada Somalia
Maalinta Xoriyada Somaliland , maalinta Xoriyada Djibouti, oo Saddexda calanba way wadhfiyaan Somaali jaceeyl awgeed waxaana ku kalifay Bulshada ay ku dhexjiraan . sidaa darteed Dhalinyaradani dadka Somaaliyeed oo dhan ee ku nool Europe waxay u yaqaaniin ABTI iyo ADEER, HABO iyo EDO, iyo dariska
Maxaa Ku Kalifa Dhalinyarrada Europe Ku Korta Xagjirnimada.?
Inta ayna qaangaadhin Dhalinyarada reer Europe way wada ciyaaraan kaftamaan mana kala hadhaan , Laakiin marka la dhaafo da’da 15 jir waxaad arkaysaa dhalinyarada reer Europe oo dib uga guranaysa kuwii ay wada koreen dhalinyaradiina waxay ku soo hadhaan cidla.
iyagoon fahamayn luqada iyo dhaqanka xidiidadii ay ka soo jeedeen . waxaad kalood arkaysaa dhalinyaro badan oo jiilkoodi madax ka noqdeen hay’adaha waaweyn ee Europe ooy isku aqoon ahayeen taasina waxay ku dhalisaa caruurta ajanibaga ah cuqdad aan hadhin loona tuse saaxiibadood ma shaqayste iyo ma carbisme.
Waxayna noqdaan labo arimood midkood oo kala ah sidan:-
• Qayb dhex dhegasha wadamamada ay joogaan bulshadooda ee nooc walba leh
• Qayb xaamanta u gurata xaga Nabiga SCW.horuumar ,waxbarasho shaqo. iwm
Dabadeedna waxay racaan ciddi ay nasteexo ka arkaan ( qof xun iyo qof fiicanba )
Islaamka Cusub….. Modern Islam
Waddamada Europe waxay yidhaahdaan Islaamka cusub malaha gadh waxay xidhaan Jeans garamo gamco gaa-gaaban iyo kabaha Sportiga iwm oo ah Californian style . waayo ?
Sobobtoo ah qofka Gadhka leh waxay u yaqaniin wadamada reer galbeedku laba arimood
• Nin caajisa oo haleelayn ama dhibato dhaqaalo haysato oo fikiraya
• Qof ehlu Diina oo cadaysatay siiba dadka waaweeyn, taasina waxay keentaa in
• dhalinyaradu islaamku gadhka iska xiiraan,oon la odhan waa qof weyn iwm
sida dhalinyaradii Islaamka ahayd ee falalka ka gaysatay wadamada reer Galbeedka
Dhalinyaradan Islamka Cusub marka ay ka dhoofayan Madaarada waaweeyn ee Europe aadbaa looga taxadiraa mararka qarkoodna waaba la baadhaa ama diyaradaa laga reebaa Halka kuwa khamiiska iyo gadhka la baxayna ay u yaqaniin waa nin cadaystay Madhabtiisa ogna wuxuu qabanayo kuwan lama baadho lagamana shakiyo waxayna u yaqaniin (Old Muslim ) waa qofka uu ka muuqdo tawxiidku
Aragtida Madaxda reer Europe ka qabaan Dhalinyarada Islaamka Midka mida madaxda xafiiska la dagaalanka argagaxisada ee Europe oo la hadlaya
Warbaahinta Europe wuxuu yidhi sidan :-
Dawladaha reer Europe waxaa cabsi weyn ku haya dhalinyaradan loo yaqaan Islaamka Cusub oo aad u yaqaana dhaqanka reer galbeedka Taariikhda iyo luqadahooga. Dhalinyaradani waxay noqdaan kuwo loo jihayn karo dhinac kastaba markuu fahmo Islaanimadana lama soo celi karo oo xitaa waxay ku tukaadan garoomada Kubadaha lagu ciyaaro, dabaasha dhexdeeda, Gadiidka noocyadiisa kala duwan ,dugsiyada iyo shaqada dhexdeeda, mana qaleeeyaan salaada saacadkastooy joogaana waxay diyaar uyihiin marxaladkasta oo la soo gudboonaata oo waana ciidan heegan ah
Cawaaqib Intee Le’eg Ayay Ku Yeelan Kartaa Waalidiinta Somaaliyeed Dhahcadadani ?
Waalidiinta Soomaliyeed ee Europe joogta waxaa la soo darsay welwel iyo walaac markii ay dhacday mashaqadan inay dabagal ku sameeyaan Boolisku , hadii sheekadani run noqoto inay noqdaan bartilmameed idho gaara lagu fiiriyo Ubadkooda oo la beegsado islamarkaana cadaadis iyo niyad-jab ku reebi doonta caruurta kuwa maskaxda badan mustaqbalkooda waxbarasho iyo shaqo ama kaalinta ay kaga jiraan bulshada ay wada deganyihiin. Waxana ka mida :-
• Inay kala shakasiiyaan xidhiidhka waalidiinta iyo caruurtooda sida badanaaba loola dagaalamo Islaamka.
• Inay Boolisku isku dayaan ogaanshaha waxkastoo qoyska ka dhex socda.
• In Caruurta ay ku taageeraan nidaamyada ka fog xukunka Islaamka.
• InWaalidka lagu eedeeyo inay yihiin kuwa kalintoodii waalidnimo ka soo bixin laguna diro caruurta Caruurta oo lagaga cabsiiyo sharciya iyo shareecaynta Islaamka.
• In waalidiinta lagu furo baahi dhaqaale oo ay u baahdaan raalina ka noqdaan falkastoo loo maleego laguna xukumo.
Illaahoow na badbaadi
Mahdi Ghandi
Holland
farahaden99@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Cawaaqib Intee Le’eg Ayay Ku Yeelan Kartaa Afduubkii KLM, Waalidiinta Iyo Dhalinyarada Somaaliyeed Ee Europe Haday Run Noqoto? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback