Allaybaday-(Lug)-kooxda fanaaniinta ee Booliska Somaliland ee la yidhaahdo Godir Band ayaa saaka ka bilaabay Magaalada Allaybaday Wacyigalintii isduwaangalinta, fanaaniitaasi oo saaka khayriyada Allaybaday kusoo bandhigay
Bandhig faneed uu halku dhigiisu ahaa DANI WAA MAHURAANE IS DIWAANGALIYAAY ayaa ku sahabsanaa qaabka loo diwaan galinaayo dadka iyo cida la diwaangalinaayo iyo shuruudaha looga baahan yahay muwaadinka is duwaangalinaaya.

Hadaba bandhig faneedkaasi dadka lagu wacyigalinaayay ee duwaan galinta ayaa waxa kasoo qayb galay Masuuliyiinta Degmada sidda Xoghayaha Fulinta D/hoose ee Degmada Allaybaday Mr. Maxamed Xuseen Axmed iyo Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Mr.C/laahi Caydiid Odowaa iyo dadwayne tiro badan oo ah kuwa ku dhaqan Magaalada Allaybaday.
Waxaana halkaasi ugu horayn hadal kooban ka jeediyay Xoghayaha D/hoose Maxamed Xusen Axmed waxaanu hadalkiisii ku bilaabay saaka waxa inoo yimid Fanaaniitiin Booliska JSL oo inoo wada wacyigalintii diwaangalinta Doorashooyinka soosocda, waxaanan leeyahay ayuu yidhi ku soo dhawaada Allaybaday dadwaynaha reer allaybadayna diyaar ayay u yihiin in ay ka faa’idaystaan wacyigalinta aad wadaan, waxa kale oo uu dadwaynihii faraha badnaa ee saaka isugu soo baxay khayriyada Allaybaday uu aad ugu dhiirigaliyay in ay ka faa’idaystaan diwaangalinta oo muhiimad balaadhan ugu fadhida muwaadin kasta oo somalilander ah waxaanu hadalkiisii kusoo koobay oo yidhi waa in aan ka faa’idaysanaan qaabaka diwaan galinta loo samaynayo oo aynu wax badan saaka ka heli doono bandhig faneedkan Kooxda Goodir Band ay inoo wado.waxa kale oo isna si guud uga hadalay faa’idada diwaan galintu u leedahay mudaadiniinta Taliyaha booliska Degmada Allaybaday Taliye C/laahi Caydiid.

Intaasi kadib waxa ay bilaabeen kooxdii fanaaniinta ee boolisku heeso iyo majaajilooyin dadkii saaka halkaasi isugu soo baxay qiiro iyo dareen wadaniyadeed ku abuuray,iyada oo ay runtii si fiican ugu soo gudbiyeen fikir fiicana kasiiyeen diwaan galinta iyo faa’iidooyinkeedaba.

Hadaba waxa xusid mudan in diwaan galintii ay muddo yar ka hadhsan tahay walina aanay jirin NGO wacyigalin ka wada Degmada Allaybaday iyada oo ay muhiim tahay dadka lasiiyo wacyigalin balaadhan lana fahamsiiyo muhiimada diwaan galinta. iyaada oo ay maanta ay fanaaniintaasi ay wacyigalinta kasameeyeen oo kaliya Allaybaday ayna lagama maarmaan tahay in guud ahaanba laga sameeyo wacyigalin dhamaan deegaanka degmada Allaybaday ka kooban yahay.
Wariye:-
Ismail Abdi Muxumed (Hilqad)
Degmada Alllaybaday , Somaliland
Email: Hilqadm@Hotmail.Com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Kooxda Goodir Band Oo Saaka Allaybaday Ka Bilaabay Wacyigalintii Diiwaangalinta "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback