Kolding -guddoomiyeha xisbiga Kulmiye ahna murashaxa xisbigaasi uga qaybgelaya doorashooyinka S.Land Md.Axmad Maxamad Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay inuu khilaafkii xisboga Kulmiye dhammaaday islamarkaana ay labadii dhinac si buuxda iskula
Ogolaadeen go`aammadii ay guddiga dhexdhexaadintu soo saareen marka laga reebo buu yidhi hal xubin oo uuna magcaabin, hadalkiisiina waxaa ka mid ahaa :”khilaafkii xisbiga soo kala dhexgelay shirkii Burco ka bacdi wuu dhammaaday, xisbiguna wuu isku afgartey, waatii guddi wada jir ah oo xisbiga iyo walaalahayaga wax tebanyayba isla ogolaayeen la saaray, guddidu way soo saartey go`aammadeedii dhexdhexaadinta ahaa, howshiina waannu aqbalney, labada dhinac intoodii banaa khaasatan murashaxiintii mid mooyaane way isla qaateen, markaa imika howshaasi meel fiican bay noo maraysaa, haatanna waxaa la joogaa xilligii aannu ku dhaqaaqi lahayn howlaha kale ee uu qaranku ama xisbigu u baahanyahay, sida howlaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka”. Warbixintan oo uu baahiyay Radio Hormuud oo Af-Somaliga ku hadla ee uu fadhigiisu yahay magaalada Kolding ee dalka Denmark ayaa waxa noo sooo diray wariye Maxamad-Amiin Siyaad Cabdi oo ka tirsan idaacaddaasi.
khadka hoose ku dhufo si aad warbxinta uga dhegeysatid Radio Hormuud: http://www.radiohormuud.dk/audioplayer.php?id=424
Lughaya news


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Mud Siilaanyo: khilaafkii Kulmiye wuu dhammaadey "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback