Boorama-(Lug)-Ciyaar kubada cagta ah oo aad uxiiso badan ayaa maanta dhex martay laba kooxood oo ka kala socday Wasaradaha caafimaadka iyo Waxbarashada ee gobolka Awdal, ciyaartan oo ay
daawashadeeda ka soo qayb galeen dadwayne aad u tiro badan ayaa waxa ay ahyd mid soo jiidatay indhaha saxaafada sababta oo ah waxa isku haleelay masuuliyiin sarsare oo labadaasi wasaaradood ah.
Ciyaartan galabta ayaa waxa dhanka wasaarada waxbarashada waxa hogaaminayay gudoomiye ku xigeenka wasaaradaas Cabdiraxmaan Saleebaan waxana ka barbar ciyaarayay macalimiin iyo masuuliyiin kale oo wasaarada ah oo ay ka dhex muuqdeen khabiiro dhinaca kubada ah oo uu ka mid yahay Seed, Ooji iyo. Ciid Halka wasaarada caafimaadkana oo ka hogaaminayay IsuduweCabdilaahi Muuse Yoonis oo ay ka barbar ciyaarayeen Dr. Obsiiye iyo masuuliyiin kale.
Ciyaartan galabta oo ku dhacday jawi aad u xiise badan ayaa waxa ay ku dhamaatay 2:2 waxana xusid mudan in goolkii ugu horeeyay uu saxeexay Dr. Obsiiyegoolkaas oo aad loogu sacab tumay.
Ujeedada ciyaartan galabta ayaa waxa uga waramay Lughayanews ciyaaryahan Seed waxana uu u sheegay in ay tahay in la tuso da’yarta in aanan ciyaarta laga gaboobin loona baahan yahay in lagu daydo habka saaxiibtinimada leh ee ay u ciyaarayaan ciyaaryahadan waawayni.
Waxa kale oo ay wararku intaasi ku darayaan in Taliyaha Saldhiga dhexe ee Boorama Muuse Cabdilaahi Hanfi (Muuse Kaadhiin) oo ciyaartan goob joog u ahaa uu balan qaaday in uu soo dhisi doono koox ku ciyaarta magaca Booliska oo ay ka dhex muuqan doonaan masuuliyiin waawayni hadii alle idmo.
Wariye:
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Waayeelka Wasaaradaha Caafimaadka Iyo Waxbarashada Oo Galabta Ciyaari Dhex Martay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback