Boorama-(Lug)-Abaaro sagaalkii fiidnimo ee caawa ayaa waxa magaalada Boorama lagaga dhawaaqay in ay maalinta bari ah tahay maalin ciid ah. Sidan ayaa waxa xaqiijiyay masuuliyiinta wasaarada awqaafta iyo diinta waxana ay soo afjartay masaajidyo dhawar ah oo habeenimadan caawa ah galay salaadii taraawiixda si ay u soomaan 30xicho oo buuxda.
Munaasabado kala duduwan oo soo dhawayn ah aya durtadiiba ka bilaabmay suuqyada magaalada Boorama, waxa meel walba cirka loo ganayaa rash ama baaruud midabyo kala duduwan leh, waxa is qabsaday dhawaqa baabuurta hoonka yeedhinaysa, suuqyada Booramana waxa isugu soo baxay dadwayne aad u tiro badan oo iyagu dukaansanaya isla maarkaana aad dareemayso in ay rabaan in aanay ka hadhin farxada ciida ee maalinta bari ah ha u badnaadaan caruur iyo dalinyara’e.
Sidoo kale waxa durtadiiba furid iyo dib u habayn lagu samaynayaa goobaha cabitaanada iyo maqaaxiyaha waxana aad arkaysaa in ay tahay maalinw ayn maalinta bari ah ee la soo dhawaynayaa, sidoo kale waxa ay shariikadaha isgaadhsiintu bilaabeen qiimo dhimis ku wajahan adeega isgaadhsiinta, waxana suuqyada Boorama lagu daadiyay waxaaqo HURDI ah oo ogaysiis ah oo ay leedahay shirkada Telcom taasi oo 50% dhintay adeegeedii dibada, waxa taasii barbarsocda oo ay dadwaynuhu sugayaan in ay isla shirkada kale ee telesom iyaduna sidii looga bartay moobaylada ku soo shubto lacag dheeri ah munaasabada ciida aawadeed.
Wariye:
Cabadale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Boorama: Ciidii Fidrida Oo Caawa Lagu Dhawaaqay! "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback