Sanca-(Lug)-Dalka Yemen ayaa waxa caawa si rasmi ah loogaga dhawaaqay in maalinta berri ah ay tahay ciid ayna tahay maalintii ugu horraysay ee bisha shawaal sidaana waxa telefishanka qaranka ka sheegtay wasaaradda hiddaha iyo dhaqanka,
waqti lagu jiray ooggida salaadda taraawiixda kadib markii la ogaaday inay ciid tahay ayaa waxa markiiba aad loo dareemay dhaqdhaqaaqyo badan oo kusaabsan sidii loogu dabbaaldegi lahaa ciida ciida-fidrida layiraahdo taasoo soo dabayaaqaysay 29 Ayaamood oo ay dadku Soomanaayeen bishii ramadan ee inaga tagtay
Guud ahaanba waxa aad u cammiran waddooyinka ay isticmaalaan gaadiidka dadwaynaha qaada ee basaska iyo tagsiiyada waxana dariiqyada buux dhaafiayay dad weyne usoo ciid tagay suuqyada si ay uga iibsadaan waxa ay u baahan yihiin kuwaaso wata gaadiid farabadan qaarkood ay lugahooda maalayaan maadaama aanu wax baabuuro ahi aanay socon karin waddooyinka ugu waaweyn magaalada Sanca.
Dhanka kale inta ugu badan goobaha ganacsiga ayaa albaabada la iskugu laabay kuwaasoo dadkii ay u cid tageen gobolada ay qabiil ahaan kasoo jeedaan iyadoo aad uhaawanaya kuwaasoo la moodo in laga qaxay waxana meelahaasi xidhnaan doonaan ugu yaraan muddo aad udheer tasina waxa ay dhibaato kunoqotaa dadka ajnibaga ee kunool dalka Yemen kadib marka ay waayaan hal tukaan oo ay kasoo adeegtaan ciidda kadib
Guud ahaanba dadka kunool waxa si aad ah usoo dhawaynayaan farxadda ciidda waxan imikaba socda damaashaayo lagu soo dhawaynayo munaasbadaasii Ciid-Al Fidrida waxana aad uga muuqda magaalada dhexdeeda baaruud iyo waxyaaabaha kale oo loogu talo galay farxadda ciida soon fur ee caawa ka bilaabantay dalka Yemen waxana maalinta berri ah lasugayaa khudbad oo waqti kasta oo ciid ah uu jediyo Madaxweyne Cali Cabdallah Saalax khudbadaasoo uu ka dhex jeedin doono fagaaraha weyn ee Sabciin la yiraahdo
Wariye:-
Cilmi Yuusuf Caddaawe
Lughayanews-Sanca


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dalka Yemen Oo Caawa Si Rasmi Ah Loogaga Dhawaaqay In Maalinta Beri Ah Ay Tahay Ciid "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback