Boorama-(Lug)- Maalintii shalay ahayd ayay sshaqaalaha shirkada Telesom gudoonsiiyeen deeq lacageed oo ay ugu talo galeen shaalaha dhismaha ee dayrka dugsiga sare ee Sh. Cali Jawhar. Lacagtan oo uu gudoomay madaxa gudida dhamaystirka ee dayrkaas Xaamud Ibraahim Barkhadale ayaa tilmaamay in ay shirkada Telesom marwalba tahay mid mudan in loo mahad naqo waxan uu uga mahadceliyay sida naxaiista leh ee ay indhaha ugu fureen shaqaalaha dhisayay dayrka maalmaha bisha barakaysan ee rabadaan iyo munaasabada ciidaba.
Mudane Xaamud waxa kale oo uu xusay in dadaaladan uu hormood ka yahay maamulahaa Shirkada Telesom ee gobolka Awdal Cabdiqaadir Aadan Nuur, waxana uu u soo jeediyay shriikadaha kale iyo inta khayrka jecelba in ay ku daydaan Mudanahan Cabdiqaadir nuur isla markaana qaadaan talaabooyinkale oo hormarleh oo ay wax ugu qabanayaan gobolkan Awdal.
Ilaa imika haqaalha iyo Maamulka Shirkada Telesom ee uu horkacayo Cabdiqaadir Aadan Nuur ayaa waxa ay yihiin kuwa hormoodka ka ah hawlaha lagu dhamaystirayo dayrkan dugsiga Sh. Cali Jawhar oo isagu waxa intaas ka dambeeya meel fiican maraya

Wariye:
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama