Boorama-(Lug)-ciyaar aad u xiiso badan oo loogu tartamayay koobkii mudaba soo socday ee bisha ramadaan ayaa galabta waxa ay dhex martay kooxaha Alnajax iyo maxamuud Darbad ee magaalada Boorama. Ciyaartan oo ay daawashadeeda ka soo qayb galeen dadwayne aad u tiro badan ayaa waxa ay ku dhacday jawi aad u rooban, balse ay suuro gashay in ay ciyaartu ku dhamaato si fiican.
Ciyaartan oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar aad u hufan oo ay farsamadeedu sarayso ayaa sababtay in ay qaybtii hore ee ciyaartu ku dhamaato 0:0. markii la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa labada kooxoodba waxa ay la soo baxeen farsamooyin iyo iskudayo horleh oo ay ku rabaan in ay guushu ku kasbadaan, balse daqiiqadihii u dambeeyay ee ciyaarta ayay kooxda Alnajax u suuro gadshay in ay gool shabaga la hubsadaan, goolkan oo uu u saxeexay ciyaaryahan Siciid.waxana ay ciyaartu ku dhamaatay 1:0 ay guushu ku raacday kooxda Alnajax. Waxana xidigii tartanka ee ramadaanta 2008 loo aqoonsaday ciyaaryahan Siciid oo goolkaas madiga ah maanta dhaliyay.
Isuduwaha wasaarada ciyaaraha Cabdiwahaab Yuusuf Ibraahim oo halkaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay cidii soo qabnaqaabisay koobkan, waxana uu hambalyo u diray gabi ahaanba ciyaartoyga gobolka Awdal oo dhan.
Wariye:
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Daawo Sawiro Badan: Yaa Ku Guulaystay koobkii Bisha Ramadaan Ee Magaalada Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback