ciyaartoydii-cuslaataybooramaa.JPGBoorama-(lug)-Ciyaar taariikhi ah ayaa maanta ka dhacday garoonka Xasan Sh. Muumin ee magaalada Boorama, ciyaartan ayaa waxa isku arkay dhalinyaro ciyaaraha Boorama isaga dambaysay ee ilaa sanadihii 80aadkii ilaa sanadahan 2000. dhalinyaradan maanta ciyaarta saaxiibtinimo wada yeelatay ayaa si wayn u soo jiidatay indhaha saxaafada iyo sidoo kale indhaha masuuliyiinta Photo Blue Sky oo iyadu ah goob inta badan ururisa xusuusteebyada, taariikhda qadiidmka ah iyo muuqaalada maguuraanka ah ee ay hidaha u leeyihiin dadka reer Somaliland, waxana ay ciyaartu ahayd mid si wayn loo soo agaasimay.

ciyaartoydii-cuslaataybooramaa.JPG

Ciyaaryahan Samaroon oo ka mid ahaa dadkii siyaartan agaasimay oo Lughayanews uga waramaya ujeedada ayaa yidhi “ waxa aan ka qayb qaadanaynaa farxada ciida, waxa kale oo aan ugu talo galnay in aan dhalinta ka soo jeedino mukhaadaradaadka oo ah mid maalintan si wayn u jiita.

ciyaartoygii-cuslaadayboorama.JPG

Marka loo soo laabta ciyaartii galabta waxa ay lahayd sifooyin badan oo u baahan in laga faaloodo, waxa aad dareemaysay in ciyaartoyda cuslaatay ee maanta ciyaarta ku soo talo gashay ay badidoodu garoonka ku yimaadeen baabuur, halka ay baryihii ay fududaayeen iyaga oo labisan dirayska ciyaarta ka soo dhex mari jireen magaalada, waxana ay tani astaan u tahay isbedelka muuqda ee dhacay.

ciyaartoygiii-cuslaadayboorama.JPG
Marka loo yimaado ciyaartii maanta, waxa iska soo horjeeday oo laba kooxood u kala ciyaarayay ciyaaryahano waawayn oo badi isku koox ahaa iskan barbar ciyaari jiray oo ay ka mid ahaayeen Goolhaye Cabdale iyo weeraryahan Maxamed Nirig (Cabdisinimoo) iyo difaacyahan Cabdi Nuur iyo Weeraryahan Xasan Daahir (Xamaas).

daawadayaashii-maanta.JPG

Ciyaaryahanadan oo waqtigii ay ciyaari jireen lafdhabar u ahaan jiray kooxohooda ayaa maanta waxa ka muuqday isbedel wayn, qaarkood firfircooni ayay muujinayeen waloow aanay dhaafsanayn daqiiqadihii hore, qaarkood garoonka way iska dhex taagnaayeen uun, halka qaarkalena ay waxbadan kubada hadal ku maamulayeen halkii ay ka ahaan jireen waayo waayo kuwo lugta ku maamula isla markaana taageerayaasha hagga.Weeraryahan Maxamed Nirig oo ka waramaya  xaaladii ciyaarta maanta ayaa yidhi “ ma jiro taraabuunkii tageerayaasha badnaa, majirto tabartii iyo awoodii aan isticmaalli jiray, waxa igu hadhay khibrad tababatenimo oo kaliya, maantase waxa aan rabaa in aan gool dhaliyo”.

sxb-waayo-waayo.JPG

Sidoo kale difaacyahan Cabdinuur oo xusaya shucuurtiisa ayaa isagu si kale waxa arkayay waxana uu yidhi “ waxa maanta kulmay ciyaaryahano ay isugu dambaysay sanadihii 80aadkii dabayaaqadoodii, waxa la moodaa in aanay  waxba garanayn balse waqti waxa ay ahaayeen weeraryahan ama difaac ama goolhaye lagu tashado”.Weerar yahan xasan Daahir ayaa isaguna tilmaamay sida ay ciyaartu maanta tahay mar uu ciyaarta dibada ka joogay ayuu yidhi “ waxa iga badan 5 daqiiqo oo kaliya waxa aan ugu talo galay in aan dhidido waanana gaadhay, maanta ma aha maalintii aan guusha keeni jiray, xaqiiqdii waan isbedelay.

kooxdii-cabdinuur-boorama.JPG

Dhanka kale ciyaaryahan Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud  oo u safan jiray kooxdii Gargaar ee dabayaqadii 90aadkii ayaa u arka isbedelka dhacay wax dabiici ah waxa uuna yidhi “ maanta kubadu waxa ay ku soo ururtay maskaxdayda oo kaliya, waxa meesha ka baxay xaragadii iyo dhalinyaranimadii kubada, waxa aan hubaa in aan soo qaadanay waqti nagu filan, waan hambalyaynayaa dhalinta maanta ciyaarta waxanse xasuusinayaa in aan anaguba waayo waayo ahayn halbawlayaal kooxeed.

kooxdii-maanta.JPG
Si kastaba ha ahaatee ciyaartii maantu waxa ay ku dhamaatay 1:1 oo barbarbardhac ayay labada kooxoodba isla dhaafi waayeen, waloow ay goolashan dhaliyeen ciyaaryahanada maantu hadana waxa ay ahayd ciyaar taariikhi ah oo ay ciyaaryahano waawayni ka dhex muuqdeen isla markaana ku soo bandhigeen in aanan ciyaaraha laga waynaan.

mustafe-iyo-khadar.JPG

saaxiibadii-wayowaayo.JPG

muuqaalka-ciyaartii-maanta.JPG

muuqaalkii-galabta-ee-ciyaarta.JPG

sawirqaade-mukhtaar-blue-sky-digital-photo.JPG

jiijkii-maantaboorama.JPG

muuqaalka-jiijkii-maanta.JPG

Wariye:
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama