Khartoum-(Lug)-Sida u caadada ah bulshooyinka kala duwan ee dunida dacaladeeda ku nool qaarkood ayaa waxa ay Suudaaniyiintuna kusoo ciidaan gobolada ay ka soo jeedaan ee ka baxsan xarunta Khurtuum , taasi oo magaalada ka dhigta maalinta ciidda mid haawanaysa.
Hadaba maalmihii ina soo dhaafay ayaa waxa magaalada Khartoum ka socday safaro aad u faro badan oo lagu tagayey gobolada dalka waxaana la arkayey cidhiidhi aad u ba’an oo ka jira dariiqyada waaweyn ee magaalada jihooyinkaa kala duwan uga baxa.
Caasimada ayaa iyada wax dhaqdhaqaaq ah oo weyni uuna ka socon taasi oo dadka tirade yar leh ee ku hadhay caasimadda iyo ajaanibka u keenta dhibaatooyin faro badan .dhibaatooyinkaas oo ay ka mid yihiin gaadiid yari, goobihii ganacsiga oo xidhma taasi oo keenta in la soo adeegto waxyaalaha daruuriga ah ee loo baahan yahay todobakaas ciidda lagu jiro oo dhan.
Waxa kale oo iyadna xusid mudan xidhnaanshaha xawaaladaha iyo bankiyada oo dhibaato weyn ku heysa ardayda wax ka dhigata Suudaan gaar ahaan marka ay isku soo hagaagaan xilliga xawilaadda lacagaha iyo ciiddu.
Si kastaba ha ahaatee shabakaddan Lughaya News ayaa soo dhex martay ardaydaasi soona ururisey Fikradaha qaar ka mid ah Dhalinta wax ka barata Khartoum kuwaas oo iskugu jira Soomaali Iyo Arday kale oo ajaanib ah .
C/ramaan Maxamed Daahir (Wadaad) ayaa yidhi :Run ahaantii ciid ka wanaagsan ciidii wadankeena ma jirto. Magaalada Khartoum suuqyadeeda oo dhan waa la xidhaa.hotelada iyo maqaaxiyaha sidoo kale. Dadku gobolada ayay wada tagaan markaa ciidda ma moodaysid sidii aan wadanka ula qabsanay.
Iihaab Axmed oo ah arday yamani ah ayaa sheegay inay kala simanyihiin Suudaanta caadada iyada ah dadkuna gobollada iyo degmooyinka caasimadda Sanca ka baxsan bay tegaan buu yidhi
Mahad Xasan(Garaad) ayaa isaguna yidhi: Ciidihii Muqdisho aan ku ciiday marnaba lama barbardhigi karo tan Kharduum, laakiin haddii si kale loo eego buu yidhi Suudaantu way inaga dhaqan wanaagsan yihiin, iasaga oo intaa raaciyay: in qofku gobolkiisa ku ciidana xikmad weyn ayaa ku jirta.
C/fataax Xaashi Caateeye oo reer Awdal ah ayaa sheegay inuuna Khibrad wayn u lahayn ciidaha Sudan oo uuna dalkan muddo badan joogin, islamarkaana ay ciiddani tahay middii labaad ee uu ku qaatay meel dalkiisa hooyo ka baxsan, lakiin haddaan waxa uu hoos ka xarriiqay inaan lagu farxin ciidaha Suudaan gaar ahaan caasimadda , maxaayeelay ciidda uunbaaba loo cidleeyaa buu yidhi caasimadda marnaba ma suuraysanaysid waxa meeshan ka jira mana garan kartid inay ciid tahay iyo in kale.
Sidoo kale Enteli Malik Mansuur oo ka soo jeeda Uganda ayaa yidhi Marka laga reebo salaada oo aan ku ciidno aanu ciidda Khartoum waxaan u arkaa xabsi 7 maalmood ah.
Fikraddan mid u dhow waxaa qaba Mawliid Axmed Adan oo reer Borama ah wuxuuna yidhi: Maalinta ciida waxaan caado u lahaa inaan ku tukado salaada ciida masaajidka Huda ee Borama, kadib waxaan booqan jiray eheladayda iyo asxaabtaydaba si aan ula wadaago farxada ciidda uguna hambalyeeyo.intaa kadib waxaan usoo ambabixi jiray inaan wakhti kooban ugula qaato dhalinyartaan saaxiibka nahay hutelada Rays Iyo Seven Star,Hadda waan ka fogahay ehelkii dhanka kale.waxa aan wada joognaana waa saaxiibadayda qaaliga ah.dhibna iguma hayso Haawashada caasimadu.
C/laahi Xasan Madar(Gurey) oo ka soo jeeda Hargeysa ayaa isagu sheegay inuu nafis iyo raaxo dareemo maalinta ciidda Khartuom, maadaama ay dhaqdhaqaaqyadu yaraadaan, wuxuuna intaa ku daray marnaba ma ihi sidii aan ahaa markaan joogi jiray magaaladaydii Hargeysa oo kale ama guud ahaanba wadankii maxaayeelay ciiduhu waa buuq badanyihiin wadankeena, haseyeeshee waxa uu garawsaday in ay dhibaato ka jirto dhinaca adeegyada.
Isku soo duuboo dabaal degyada ciidda ugu weyn laga arkaa caasimada waxay tahay bisha jannaayo kowdeeda, maalintaas oo huwan labo ciidood:ciidii xornimda wadankan Sudan iyo ciidda sanadka cusub ee miilaadiga.
Wariye:
C/raxmaan Daahir Ibraahim (Labo Alif)
Lughayanews-Khartoum


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Khartoum Iyo Waayaha Ciidda+Fikradaha Ardayda Jinsiyadaha Kala Duwan Ee Joogta Khartoum Ee Ku Wajahan Ciidda "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback