Boorama-(Lug)-Ilaa saaka waabarigii oo uu qofwalba ku baraarugay takbiirta ciida ee ay masaajidadu isku dareen ayaa waxa si habsami ah u socda ciidii barakaysnayd ee bisha ramadaan.
Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Sh. Cabdilaahi Cige oo dadka kala hadlay qalabka warbaahinta ayaa salaan u diray umada islaamka ah iyo gabi ahaanba shacabka rer Somaliland, waxana uu u rajeeyay in uu eebe ku gaadhsiiyo dhashbasha iyo barwaaqo.
Kasokow intan ayaa waxa ay suuqyada Boorama maanta Ahaayeen kuwo aad u buuxa oo ay camireen dadwayne wada xidhan dhar bilicsan, waxana ay gaar ahaan caruurtu ahaayeen kuwo si xoogan u muuqda isla markaana aad dareemayso in ay ciida ku faraxsan yihiin.
Sidoo kale waxa mar walba dhagahaaga ku soo dhacayay salaanta ciida oo ay dadku isku salaamayaan (ciid mubaakir) waxana ay tani astaaan u tahay sida ay dadka reer Boorama ugu talo galeen in ay ciidani u noqoto mid siwayn looga qayb qaato.
Sikastaba ha ahaatee roob da’ay shalay galinkii dambe ayaa noqday mid si wayn uga qayb qaatay munaasabadan meel walba oo aad marto maantana Booram awaxa ka dhacaysay naacaw qaboow oo raxmadii ciidu ay ku ladhan tahay.
Wariye:
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Daawo Sawiro Tiro Badan: Ciidii Iyo Maanta!Indhihii Basaasoow Boorama Ciid Ma Aragteen? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback