said1.JPGTani iyo maalintii uu ka soo noqday musharraxa m/ku xigeenka xisbiga kulmiye shirkii lagu soo doortay ee ka dhacay magaalada Burco waxaa dadwayne aad u badan oo iskugu jira waxgarad iyo waayeel culumaa’udiin dhalinyaro

 oo ku sugan dacalada S/land ay tibaaxayaan ama ay ku dhawaaqayaan in Eng.C/raxmaan Saylici yahay nin runtii isbadal wayn keenaya kaasoo ka duwan kii siyaasiyiinta kale ee gobolada Awdal iyo Salal.

said11.JPGSababtoo ah sida la wada ogsoon yahay Eng.C/raxmaan Saylici waa nin looga bartay karti iyo maamul suuban isagoo runtiii si karti ku jirto usoo maarayn jiray hawlo badan oo goboleed, waxayna dadka qaarkii ku tilmaayaan inuu yahay nin gobolkiisa u nuglaanaya ahna nin war ka haynaya gabi ahaanba cida uu maamulo.

Waxaa kuu cadaynaysa taa waa la ogaa abaarihii iyo duufanadii ka dhacay gobolka awdal gargaarkii lixaadka lahaa ee uu ka gaystay isagoo uga qayb qaadanaayay magac ahaan gobol iyo xisbi ahaanba.

Marka laga hadlayo gobolo ahaan maanta gobolada Awdal iyo Salal waxay u baahan yihiin isbadal lagu sameeyo masuuliyiinta sar sare ama la helo cid badali karta ama wax ku soo kordhinaysa siyaasad hada ka jirta, waayo hore ayaan loo yidhi boqor ma eexdo tolkiina ma moogaado markaa wuxuu gobolku ubaahan yahay cidaan moogaanin, Runtiina siday dad badani ku hadaaqayaan Eng.C/raxmaan Saylici waa nin aan ilaawin karin gobolada uu ka soo jeedo.

Annigu shakhsi ahaan waxaan leeyahay Eng.C/raxmaan Saylici taageeeradii goboladiisa wuu haystaa, wuxuuna haystaa tageeradii umaada cidii u hanqal taagaysay is badal cusub oo ku yimaada guud ahaan S/land gaar ahaana gobolada Awdal iyo Salal.

Waxaa jira dad badan oo xaqiiqda jirta iska dhagamaraya dadkaasna waxaan leenahay maanta gobolada Awdal iyo Salal waxay u baahan yihiin cid wax wax ku ool ah usoo kordhisa taasna maanta ma keeni karaan siyaasiyiintii hore, waaayo horeba way u keeni waayeen waxayna u eegtahay inayna dib waxa uga badalayn siyaasadoodii hore. Marka waxaad u ololaysaan cadka dambe ee aynaan dhadhamin.

Waxaa jirta inay jiraan dad shakhsi ahaan u weeraraya Eng.C/raxamaan Saylici iyo masuuliyiin kale oo gobolka sharaf iyo maamuus ka mudan kuwaasna waxaan u sheegaynaa inaan ummada la kala gayn oo aan la la isku dirin hana la kala saaro jagooyinka loo tartamayo iyo qof kasta oo masuul ah xishmadiisa gobol ahaaneed.

Waxaa jira rag gobolada awdal iyo salal ka tirsan oo leh sharaf iyo maamuus sida C/raxmaan Aw Cali waxaa weeye ragaas iyo rag kaleba waxay mudan yihiin in la sii ixtiraam iyo muumuus dheeraada oo laga daayo aflagaadada dadkana yaan la isku dirin. Runtii dadwaynaha reer boorama waxaan u sheegi lahaa yay xamaasadu idin qaadin doorasho ahaan iyo mid qabyaaladeedba..

Marka waxaan ku soo gabagabaynayaa in maanta loo ololeeyo is badal kaasoo aan odhan karo wax buu ku soo kordhinayaa S/land gaar ahaan gobolada awdal iyo salal.


Siciid Maxamed Ibraahim (Biyo Raacshe)
Kuala Lumpur, Malaysia
ilkacase02@hotmail.com