Xisbiga KULMIYE waxa uu Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa Guud ahaan Shacabka Somaliland, gaar ahaan Dadweynaha reer Saaxil ee diwaan-gelinta Cod-bixiyeyaashu ka bilaabantay saaka 14/10/2008.
Xisbiga KULMIYE waxa uu ku boorinaya Dadweynaha ku dhaqan Gobolka SAAXIL inay diwaan-gelinta si weyn ugu soo baxaan, maadaama diwaan-gelintu ka mid tahay Nidaamka Dimuqraadiyada iyo Horumarka Dalka.
Xisbiga KULMIYE waxa uu muwaadiniinta Somaliland ku dhiiri-gelinaya inay fiira-gaara u yeeshaan is-diwaan-gelinta, maadaama haddii aanu muwaadinku is-diwaan-gelin luminaayo codayntii iyo qaadashada kaadhka Muwaadinimada ee uu xaqa u lahaa.
Md. Ahmed Mohamed Silanyo
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Hambalyo Diwaan-Gelintan Ka Bilaabantay Gobolka Saaxil "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback