Musse Biixi waa mucjiso ka mida Mucjisooyinka Burburin doona Somaliland 

Muuse Biixi waa nin waayeela oo mudan inaan ixtiramo, laakin mudan in looga jawaabo Waraysigii uu siiyey BBCda ee ku saabsanaa in Lughaya la racin doono Gabiley

.Muuse miyuuna wax akhriyin ama wax dhagaysan ama miyuuna isdhagaysan markuu hadlaayo. Hadii aad fahmi waydo jaantuskan ku xusan shaxda Ethiopia fadlan

Tag Jaamacadaha, Amuud University, Eelo University, Hargeisa University, Burco University. Ama la soo sheekayso Dr .Omar Osman raabe iyo Axmed Ismail Samatar iyo Dahir Rayaale  kuwa aan dhagaysano ama kuwa na hogaamiya ee wasiirada Somaliland.

Miyuuna ogayn in Ethiopia  rabto inay hoosta mariso jiilka  0- 40 ( 0 to 40 Generation ) oo ah da’dii dhaxashay dhaqanka iyo taariikhda Ummada soomaaliyeed . alla yaa u sheega uma sheegi karee ?

Fariin Dhalinta reer Awdal:

Aduunyadu waxay soo martay Dagalo kala duwan , hada waxaa bilowday dagalkii biyaha waddanka ama Gobolka aan lahayn Bad waa baylah la xukunto , taasina waa ta keentay in Ethiopia ay ka xorowdo ka xorowdo ( Land Locked ) bad xidhanka.

Somaaliyana ay ka samysato qabiilo iyo gobolaysi ay xukunto oo u adeega dabadeedna  muddo 30 sanno ka dib ay gacanta ku dhigto Somalia oo dhan

Gobolka Awdal oo ka mida Gobollada Soomaaliya ugu Tariikhda dheer leh marnaba yeeli mayno, oo aqbali maayno in Lughaya lagu daro Hargeisa iyo Degmada gabiley waxaana  imanaysaa xisaab dheer, Ummad markay dumayso ama ay burburayso waxay leedahay  saan-saan lagu garto oo iftiima oo raga duminayaana  sii tirtirfadaan.

Xuduudii u dhaxaysay D.Borama iyo D.Hargaysa waxay ahayd Ijaara wakhtigii Ingriiska  halkaas oo labada badhasaab ku kulmi jireen, Muuse Biixiyoow waxbadso waxbeelbay leedahay

954 Abdirahman tuur Illaahay ha u naxriistee wuxuu Kalabaydh iyo wajaale raaciyey gabileywaxaana markhaati kuu ah kuwa hada nool, xitaa qofkii ka soo baxay wajaale wuxuu ahaa Xuseen Miigane Illaahay ha u naxariistee.

Musse biixi waa mucjiso ka mida Mucjisooyinka Burburin doona Somaliland
waxkalena uma socdo waa sidii Dahir rayale iyo beeshiisa uu isaga horkeeni lahaa
taasina waa masalo loo carbiyey askari ina Biixi inuu naf gooyo mooyee uuna nafbadbaadin.

Muuse miyuuna ogayn in Dahir rayaale Kursiga uu madaxweyne ku yahay ?
marka uu joogo gurigiisana uu yahay  nin reer AWDALA.

**********************************************

Awoowgaa ayaa awoowgay necbaa
Aabahaa ayaa aabahay necbaa
Adigiibaa anniga i neceb , Muse Biixiyoow.
Sideen isku aaminaa ?

Shaqo Guri  Caruurtaan Abtiga U Ahay Adeerkoodoow : Muuse Biixi ( Homework )

1.Kumaad tahay?
2.gudoomiyahaagii baad la socotay ee xageed ka socotaa?
3.yaad u hadlaysay ? yaad la hadlaysay? Maxad ka hadalaysay ?
4.Ma qabiilbaa loo codaynayaa mise qaran ?
5.Adeer Muuse Biixoow Somaliland ma qabiilbaad ku tahay mise Deegaan ?

Jamac Cali
straightawdal@live.com
Mujaahid Roobleafdeeb Sheekhmaleh

 

fikradda qoraagu kama turjumayso aragtida Lughaya News