Hargeysa-(Lug)-Waxaa  wax lagu farxo ah in isdiiwan gelintu dadka la rabo inay codkooda dhiibtaan ka bilaaban tay ugu horayanba gobolkii  loogu tala galay

Oo ay waliba  ka dhacday waliba xiligii loo cayimay taasoo oo la  oran karo ama u muuqataa guul wax ku ool ah  in gobolka Saaxil oo laga bilaabay isdiiwangelinta  xiligii loogu talagalay ay ku dhamaatay.

Taasina ay muujinayso sida aan kala hadhka lahayn ee shacabka  reer Somaliland  ugu suxulo duubteen inay  helaan xaqa ay u leeyihiin  inay helaan aqoonsiga muwaadinimo.

Hadaba akhristayaal iyadoo koox kastaa raacayso  habka ay isugu xil saareen  ee ku aadan ka midho dhalinta    in diiwangelintu  u socoto si taam ah  ayaan hadana  wali dhalinyaradu kaalinteedii lahayn iyadoo aadba moodaysid in  inta badani ee dhalinyaradeena uu ka maqan yahay dareenkii wadaninimo oo ugu yaraan tobankii ka mid dhalinta ee aad la kulan taaba ay lix ka mid kuu  andacoonayaan in hadii ay isdiiwaangeliyaan oo kaadhka muwaadinimada qaataan  iyadoo saxeexa ama sawirka farta la qaadayo ay ku adkaan doonto inay u tahriibaan dalalka reer yurub,

 Taasoo dabcan wax  lala yaabo ah  marka muwaadinkii sidaas  kuu yiraahdo oo aad ka aragatid inuu ka doorbidayo  aqoonsiga uu dalkiisa ka leeyahay kan dalka kale oo uu ku yahay ajnebi.

Hadaba akhristayaal inagoo wada garanayna gobolka Saaxil  iyo gobolka kale ee Awdal oo ay hada ka socoto in aynu ka helay waaya aragnimo  badan taasina  oo la oran karo waxaa kaalin wayn ka qaatay gudida diiwaangelinta Komishanka qaran ee S/land oo ay ka muuqato astaan ah karti iyo waxqabad ay howshaas ugu babacdhigeen.

Hadaba akhirstayaal inagoo fahansan  ama garanayna qiimaha ay inoo leedahay in aad  haysatid kaadh ama aqoonsi adiga kuu gaar ah oo lagaga garn karo qofka aan reer s/land ahayn  ayaa ugu yar waxa aad kaga duwan tahay dadka kale taasi waa himilada ugu qiimaha badan ee uu qofkastaa ku leeyahay dalkiisa hooyo.

Inkastoo S/land aanay wali halin aqoonsi caalami ah ayaa hadan ay tahay wax lagu naaloodo inay haysto amaan, xasilooni iyo dastuur laysku xukumo oo kala danbayn buuxda lagu  gaadhay taasina ay tahay waxay mudo  badan sugayeen dadka reer S/land ama ay u soo halgameen  iyadoo si kale hadii aan u dhignana la oran karo waa dhirtii ay beerteen bulshada balaadhan ee reer S/land oo ay hada midheheedii guranayaan  oo waliba illahaya ku garab galay.

Hadaba akhristayaal  waxaan hadalkayga ku soo gunaanadi laha aanigoo haysana fursada aan hada ka hor ina soo marin  ee waa inana ka faaiidaysana waayo waqtigi sidiidaba mar inuu ku soo maro oo aan iska sii daysid ayaa ah waxaa ugu badan ee aadan ilaawi karin waligaaba.

Hadaba guud ahaan dadka reer S/land waxan ku oran laha inay ka qayb qaataan isdiiwaangelinta iyo sida loo wado iyadoo ay tahay hadii aad ka qayb qaadan waydid isdiiwaanlinta dadka la rabo inay codkooda  dhiibtaan adigoo gabay kaalintii aad dalkaaga kaga jirtay iyo miisaankaagii muwaadinimo oo hoosu dhac  wayni ku jiro.
 

Wariye:-
Sucaad Ismaaciil Maxamed (Sucaad Sharaf)
Lughayanews-Hargeysa