Qaahira-(Lug)-xabsiga Sujuun All Qanaadir All-Khayriya, oo ku yaala waqooyiga magaalada Qaahira ee dalka Masar, ayaa aad u liidata,

xabsigaasi oo ay noloshiisu aad u xuntahay ayaa waxa aan todobaadkii hore aanu shaacinay in laba wiil oo reer Hargaysa ah ay ku jiraan xabsigaasi, kadib markii aanu maqalnay in ay xabsigaasi ku jiraan laba wiil oo u dhashay Somaliland, taasi oo aanu haybtooda iyo xaga ay ka soo jeedaan Somaliland aanu soo qornay, kadib markii aanu u dirnay qof kale oo noo soo xaqiijiyay labadaas wiil oo u kala dhashay gobolka Hargaysa iyo gobolka Gabiilay, taasi oo labadaas wiil midkood uu misigta ka jabanyahay, waxa ayna haybtoodu kala tahay sidan hoos ku xusan.

1- C/xakiim Maxamuud Xuseen, oo ku magac dheer ama loo yaqaano Ina Cirfiid, kana soo jeeda magaalada Hargaysa, qoladiisuna ay tahay Sacad Muse, Cabdalle Sacad reer Muumin oo Hooyadiina la yidhaahdo Hibo Maxamed Jama.

2- Sidoo kale wiilka labaad oo ka soo jeeda Gobolka Gabiilay waxa la yidhaa Axmed Jibriil Daahir. waana , Sacad Muuse, Jibriil Abokor, Reer Xareed, Reer Rooble Cali.

Hadaba shabakda qarannews oo shalay dhalinyaradaasi ku booqatay xabsiga ayaa ogaatay in dhalinyarada reer Somaliland ee xabsigaasi ku jiraa ay yihiin tiro ahaan 4 wiil oo intoodaba isku xili la soo wada xidhay, oo ay wada socdeen isla markaasna ay xidhanyihiin mudo 2 sanadood ku dhow, waxa aan ogaanay in ay 4 wiil sadex ka mid ahi ay ka soo jeedaan gobolka Hargaysa xaga wiilka 4”adna uu ka soo jeedo gobolka Awdal magaalada Boorame, labada wiil ee kalena ay haybtooda iyo magacyadoodu ay yihiin sidan hoos ku xusan.

3- Cabdiraxaman Muxumed Ibrahim, ahana Sacad Muuse, kana sii ah Cabdalle Abikor oo ah reer Geelle.

4- Wiilka Afaraad oo ka soo jeeda gobolka Awdal magaalada Boorame waxa la yidhaa Bashiir Maxmuud Boqore, qoladiisuna waa Samaroon, kana sii ah Bahabar Cabdalle , Bashiir waxa uu xusay in ay is xigaan ilma Sheekh Cali Jawhar oo ay qarabo dhaw yihiin

Hadaba waxa aan ugu baaqaynaa dad reerSomaliland in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan wiilashan oo ay maamulka xabsigu sheegeen in wiilashan la sii dayn doono oo la mustaafurin doono hadii loo keeno Ticket-kii ay kaga dhoofi lahaayeen dalka Masar, xiligan ayaa waxa dalka Masar ka jirta ama soo food saartay dhaxan aad u badan iyada oo ay ka qabowdahay ama lagu wado in ay ka sii qaboobaato sanadadii ina dhaafay, iyada oo wiilashani mid ka mid ahina uu misig ka jabanyahay midkalena ka cabanaayo xaga feedhaha qabow galay awgeed, fadlan waxa aan idinka codsanynaa dadkiina ku sugan wadamada dibada ee awoodi kara in wax loo soo diro ay nool ka sii dhigtaan wiilashaasi aydaan kala daahin, oo markii hore ay reerahoodu ka quusteen meel ay jan iyo cidhib dhigeen lagana samray, fadlan ka qayb qaado sidii wiilashaasi loogu celin lahaa dalkii, taasi oo aynu samyn karno hadii aan isugu tagno

Wixii faah faahin ah fadlan nagala soo xidhiidh
admin@qarannews.com