Dhamaan ardayda JSL ee wax ka barata dalka Yemen waxay cambaarayn kulul usoo jeedinayaan wax magaratada ka danbaysay falalkii is biimayneed ee lagu beegsaday
madaxtooyada JSL. xafiiska UNDP ee hargeisa iyo safaarada Ethiopia kuleedahayd Hargeisa, kuwaas oo dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan lagu khaarajiyay. Waxanu aad uga xunahay in falalka noocan oo kale ah ay ka dhacaan JSL laakiinse insha ALLAH waxanu aad u rajaynaynaa in gacan bira lagu dhigi doono cidii ka danbaysay falalkaas lana hor keeni doono caddaalada.
Hadaba anagoo aad uga tiiraanyaysan falalkaas foosha xun waxanu tacsi u diraynaa dhamaanba madaxda JSL, Xukuumadda, Dadwaynaha Somaliland iyo gaar ahaan Eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii dadka ku dhintay falalkaas waxanuna leenahay ILAAHAY samir iyo Iimaan haynaga wada siiyo ..AMIIIIIN. Inta cusbitaalada ku jirta ee waxyeeladu kasoo gaadhayna Ilaahay caafimaad degdega oo taam ah ha siiyo insha ALLAH …AMIIN.
Ugu danbayn waxanu usoo jeedinaynaa dadwaynaha Somaliland inay iska kaashadaan la dagaalanka dadka wax u dhimaya nabadgelyada iyo xasiloonida ayna hiil iyo hooba la garab istaagaan ciidamada policeka iyo kuwa mileterigaba si ay u gutaan hawlaha baadhitaan iyo dabagal ama ka hortag ee falalka waxshinimada leh.
Ahmed shawky
shawqi05@gmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ardayda Somaliland Ee Dalka Yemen Oo Tacsi Murugo Leh U Diraya Shacbiga S/land "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback