Hargaysa-(Lug)-Madaxda Axsaabta mucaaridka ah ee Kulmiye iyo Ucid ayaa marii u horaysay ka hadlay falalkii qaraxyada ahaa ee lala beegsaday meelo muhiim ah oo ku yaala caasimada Hargaysa.
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya arintan ayaa yidhi “Qaraxyadani waa dagaal ay si cad noola badheedheen cadawga Somaliland si ay u mija xaabiyaan qaranimadeena una mijaxaabiyaan diiwaangalinta”. waxa uu ku tilammamay qaraxyadan qaraxyo la mid ah kuwii 11 Sep ee Maryakanka ama kuwii 7dii July ee London ama kuwii tareenada Spain ka dhacay. Waxana uu ku baaqay in shacab xukuumad iyo Axsaaba loo midoobo difaaca qaranka, waxa uu shacabka u sheegay in ay xukuumada ku soo wargaliyaan dadka reer Soomaaliya ah ee lagu arko dhaqdhaqaaq halis galin kara nabadgalyada ” Yaan lagu cadho furfurin dadka Somaaliyeed ee soo qaxay dadka masiibadan noo gaystayna waa kuwii dadkanba soo qixiyay. Waxa uu Eng. Faysal xukuumada ugu baaqayin la sameeyo baroordiiq qaran, iyo banaanbaxyo ka qabsooma gobolada dalka. Waxana uu tacsiyeeyey inta dhimatay oo dhan
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Axmed Siilaanyo oo isaguna ka hadlay Qaraxyadan ayaa yidhi “Falkani waa mid waxshinimo ah oo arxandaro ah oo ka baxsan dhaqanka iyo diinta islaamka waxanan cadaynaynaa in aan shacab, xukuumad iyo axsaabtuba u midaysan yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen tabaha cadawga Somaliland doonayaan in ay ku majaro habaabiyaan qaranimada dalkan” waxa uu yidhi Gud. Siilaanyo ma aha markii ugu horaysay ee falkan oo kale dhoco iyada oo dalku u diyaar-garoobayo doorashooyin, waxa aan xasuustaa hawlgalkii la dhiciseeyay ee 2005tii waqtigaas oo la qabtay koox argagixiso ah iyada oo loo diyaargaroobayo doorashooyinkii wakiilada. waxa uu yidhi ” Somaliland waxa ay dheertahay dalalka geeska afrika nabadgalyada lagu amaani jiray, waxana muuqda in dad cadaw ku ah madaxbanaanida Somaliland ay uga dan leeyihiin in ay mijo xaabiyaan qaranimadeena, waxana uu sheegay in aanay qaraxyadani Somaliland ka joojinay hawsha diiwaangalinta iyo doorashooyinka soo socda. waxana uu tacsiyeeyay inta dhimatay oo dhan.
Jawiga guud ee Hargaysa maanta oo dhan waa kacsan yahay dadka oo dhan waxa ay ku soo xoomeen goobaha maqaaxiyaha ah ee lagu hadal hayo dhacdadan, dadku waxa kale oo ay ku soo xoomeen isbitaalka oo marba marka ka dambaysa la keenayo dad aad u badan mararka qaarna boolisku waxa uu isticmaalayay rasaas uu kor u ridayo si loo kala kexeeyo dadka. Caawana waxa xidhan wadada hormarta madaxtooyada iyo wadada hormarta Safaarda Itoobiya, isgoysyada, wadooyinka muhiimka ah ee magaalada iyo xaafadaha waxa lagu daadiyay ciidan xoogan oo amniga ilaalilana, inta ilaa imika la xaqiijiyay ee uu ku dhawaaqay wasiir Ciro dhimashadu waa 21 qof oo uu ku soo kordhay xildhibaan Maxamed Cismaan Guuleed Libaaxo, iyo sedex qof oo Itoobiyeen ah Dhaawacuna waxa uu imika marayaa 31 Qof, ilaa imikana waxa laga cabsi qabaa in uu dhaawaca qaar ka mid ah oo uu halis yahay dhaawacoodu dhintaan.
Wariye:
Sucaad Ismaaciil Maxamed (Sucaad Sharaf )
Lughayanews-Hargaysa


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Gud. Siilaanyo Iyo Eng. Faysal Oo Ka Hadlay Mawqifka Mucaaradka Ee Qaraxyadii Maanta Iyo Xaalada Caawa Ee Magaalada Hargaysa "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback