Jaaliyada labada gobol ee Awdal iyo Salal ee ku dhaqan magaalooyinka kala duwan ee dalka Uganda waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan bulsha waynta reer Somaliland gaar ahaana ehelada, qaraabada
Iyo asaxaabta ay ka bexeen dhammaan dadkii ku geeriyooday falkii arxan-darada ahaa ee lagula kacan dadkaa aan waxba galabsanin.
Jaaliyada waxa kale oo ay dhaleecayn dusha uga riday cid wal oo falkaa ka masuul ah ama raad ku leh
Sidoo kalena waxa ay jaaliyada reer Awdal iyo Salal ee Uganda ku guubaabinayaan bulsha weynta reer Soomaaliland in la ilaashado nabadgelyada, dhanna looga soo wada jeesto cadowga arxan ka daran.
Markale waxa ay ilaahay uga baryanyaan in dadkaa geeriyooday u naxariisto, dadkii ay ka bexeena sabirka dhaxalsiiyo. AAMIIN…..AAMIIN.
Ahmed A. Ismail
a_jeesto@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Jaaliyada Reer Awdal/Salal Ee Uganda Oo Tacsi U Diraya Umadda Reer Somaliland "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback