abwaan_hadraawi.JPGToronto-(Lug)-Abwaan Hadrawi oo la gudoonsiiyay Bilad Sharaf Dahab ah “Gold  Medal” Waxa  lagu qabtay  magaalada Toronto ,Hilton Hotel, bishan Oktoober 25th .

Xafladii labaad oo si heer sare ah loo soo abaabulay laguna marti qaaday Abwaan Mohamed Ibrahim Warsame” Hadrawi”.  Xafladaasi waxay noqotay tii ugu horaysay ee kulmisay shacabka  Somaliland iyo Koonfur Somalia ee degan dalka Kanada.
abwaan_hadraawi.JPG

Abwaan Hadraawi oo mashxarad iyo sacab lagu soo dhaweeyay waxa la gudoonsiiyay Bilad Sharaf Dahab ah , oo ay gudoonsiisay Marwo Maryan Faarah SindiKo.  Maryan Sindiko waxay ku dhacday masraxii qiiro awgeed.
audience__6.JPG

Abwaan Hadraawi wuxuu ku hadlay dhawr qodob, oo ay ka mid ahaayeen:

A) Xuquuq Al Insaanka: Dadka la Hayb Sooco .

Abwaanku wuxuu si adag u canbaareeyay dhaqanka foosha xun ee sooyaalka ah ee lagula dhaqmo dadka aynu is ku diirka, diinta, dhaqanka,dalka iyo luqada intaba wadaagno.Wuxuu ka sheekeeyay Marxuum  Cumar Dhuule oo aan xanaaqi jirin, laakinse maalin xanaaqay. Markii la waydiiyay waxa maalin qudha ka xanaajiyay , wuxuu Marxuum Dhuule ku jawaabay “ Alla Yaa Maalin Qudha Midgaan Idinka Dhiga “
audience___2.JPG

Labadaas xafladood waxa lagu uruuriyay lacag lagu taageeraayo mashaariic horumarin ah “development projects”  oo loogu tala galay dadka la hayb sooco.
farah_hussein.JPG

B ) Soomaliwayn  “Greater Somalia”

Abwaan Hadraawi , oo ka hadlaaya Soomaliwayn, wuxuu sheegay in baadidoonka Soomaliwayn ay hormood ka ahaayeen shacabka  Somaliland , Xukuumadii u horaysay ee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaalna ay ku qasbeen inay heshiis bilaa shuruud ahla galaan Koonfur Soomalia.Laakinse cadaalad darro iyo colaad awgeed ayay Somaliland uga noqotay midnimadii. Coladaas iyo cadaalad darada waxa sabab u ahaa Maamuladii kala danbeeyeey.Labada shacab hadii ay isu baahdaan way isku soo noqon karaan, haddi kalena way kala maqnaan karaan.
hadrawi__daleys.JPG

Socdaalkii Nabada & Suugaanta

Abwaan Hadraawi wuxuu ka sheekeeyay Socdaalkii Nabada ee uu ku maray koonfur Somalia, laga bilaabo kismaayo ilaa Bosaaso, ujeedooyinkii uu ka lahaa iyo waxyaabahii uu kala kulmay.
idris_egal.JPG

Wuxuu Abwaan Hadraawi ku tiraabay inay suugaantu Soomali ka dhaxayso, abwaankuna dadka u dhaxeeyo, Hadraawina Soomali u dhaxeeyo. Wuxuu dhawr jeer cuskaday ereyo uu yidhi Abwaan Cali Sugule oo ku saabsana dabayshii iskudarka ee Soomaliwayn – Somaliland, Somalia , DJibouti, NFD , Western Somalia , iyo halka maanta Soomaaliyi taagantahay.
nakruma.JPG

Isku soo wada duubo waxay ahayd xaflad lasyku arkay oo kulmisay  dadka Soomali ku abtirsada oo dhan – Waqooyi, Koonfur, Bari iyo Galbeeda.Waxa kasoo qayb galay abwaano iyo hoobalo ay ka mid ahaayeen  Abwaan kayd, Abwaan Kaaxnuug, Abwaan Dhakshar,iyo faniin ay ka mid ahaayeen Khaliji, Nakruma, Daleys, Seynab,Batuulo iyo qaar kale oo badan.
spectators.JPG
spectators_1.JPG
spectators_2.JPG
spectators_7.JPG
spectators_22.JPG

By:
Ali Ibrahim Jama ‘’ Baqdaadi”
caateye2006@yahoo.com