Hargeysa-(Lug)-Inkasta oo aanan lahayn tirada dhabta ah ee dadka ku dhintay iyo inta ku dhaawacantay Qaraxyadani , Jawiga oo aad u kacsan aawadeed iyo Suxufiyiinta oo aan loo ogolayn gudaha

goobta Isbitaalka ayaa hadana waxa la isla dhex marayaa in Tirada dhimashadu ay kor u dhaafayso 19 qof oo ay ku jiraan Masuuliyiin uu ku jiray Xogahayihii  gaarka ahaa ee Madaxweynaha, Daahir Cali Iid, oo sida la sheegay barxada hore dhismaha madaxtooyada ku sugnaa markii qaraxani dhacay, halka uu dhaawac culusi soo gaadhay Taliyihii ciidamada ilaalada Madaxtooyada Somaliland, Abokor Sulub., halka tirada dhaawaca ah ay gaadhayso in ka badan 30 qof ayaa hadana wali aanu dhaawucu ku soo dhamaystirmin Isbitaalada, daad gurayntuna wali way socotaa.

Sida wararku sheegayaan qaraxyadan lala beegsaday Xarunta Ganacsiga ee Safaarada Ethiopia, Qaybta dambe ee Madaxtooyada iyo Xarunta Hayadda UNDP ayaa waxa ay dhaceen Muddo 5 daqiiqo ah Gudahood , waxana loo isticmaalay Gawaadhiga nooca loo yaqaan Surf oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Sidoo kale labo qarax ayaa waxaa ay iyana ka dheceen Magaalada Boosaso ee Gobolka Bari Xarun ay ciidamada Nabad sugida ku leeyihiin magaalada Boosaaso.

Qaraxan ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa isaguna loo adeegsaday Labo Gaadhi oo Surf ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

 Kala soco waxii warar ka soo kordha Qaraxyadan Shabakadan wararke ee Lughayanews


Lughayanews

Hargeysa Office