Boorama-(Lug)-Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Sh. Cabdilaahi Cige oo ay hareero fadhiyaan Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Sul. Ibraahim Jaamac Samatar. Sul. Saleebaan Cali, Sul. Xasan Xadi Baade,
xaaji Daahir Aw-cilmi, Barkhad Cumar X. Khayre iyo maayarkii hore ee Boorama Xuseen Cawaale Warfaa ayaa si wada jir ah oo isku duuban uga waramay xiisadaha murugada leh ee ka dhashay qaraxyadii Hargaysa lala beegsaday.
Badhasaabka oo ka waramayay qaraxyadii shalay ayaa tacsi balaadhan u diray shacabka Somaliland waxa na uu sheegay in ciidanka gobolka la galiyay heegan balaadhan oo ah dhinaca sugida amniga oo gaadhsiisan 100% isla markaan amar lagu siiyay in cidii ay ka shikiyaan ay fasax u qabaan in ay xabsiga dhigaan. Badhasaabku waxa uu dadwaynaha ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidamada booliska oo ay soo sheegaan cidii wada falal ku lidi ah nabada, waxa uu sheegay in aanan la karayn qax dambe oo soo mara umada loona baahan yahay inla feejignaado. Dareenxoogana la qabo.
Sul. Ibraahim Jaamac Samatar oo isaguna hadalka ka daba qaatay ayaa si balaadhan oo tiiraanto leh u tacsiyadeeyay shacabka Somaliland, waxa uu yidhi “falkii dhacay waxa uu sidaa fariin, ilaa dhalashadii Somaliland waxa aan umada Soomaaliyeed dheerayn waa nabada, waxana maanta la handiday waa nabadii waxanan leenahay aan ilaashano oon midnimo ku daafacno nabada iyo qaranimada Somaliland, suldaan Ibraahim waxa uu sii daba dhigay waxa ay falalkani la mid yihiin kuwa ka dhaca Ciraaq iyo Falastiin ee yaanan la siin fursad kale oo uu cadawgu ku dhexgalo bulshada, midnimada ilaaliya oo ogsoonaada in dhacdooyinkani ay ahaayeen kuwo unada baraarujin u ah.
Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal,. Sul. Saleebaan Cali, Sul. Xasan Xadi Baade, xaaji Daahir Aw-cilmi, Barkhad Cumar X. Khayre iyo maayarkii hore ee Boorama Xuseen Cawaale Warfaa oo iyaguna hadalka iska daba qaatay ayaa tacsi tiiraanyo muddan u soo jeediyay shacabka reer Somalinad maxaxwaynaha, iyo Qaraabada intii dhimatay waxana ay eebe uga baryeen in uu shamir iyo iimaan eebe ka siiyo. Waxa kale oo salaadiintan iyo odayaashani ka sinaayeen in ay taageero hiil iyo hooba ah la garab joogaan shacabka Somaliland meel walba oo ay joogaan.
Wariye:
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Badhasaabka iyo Salaadiinta Reer Boorama Oo Ka Hadlay Xiisadii Qaraxyada Hargaysa. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback