Boorama-(Lug)- Culimada diinta ee magalada Boorama oo uu horkacayay Sheekhullbaladka Boorama Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar ayaa galabta si

kulul u cambaareeyay cidii ka dambaystay falalkii argagixiso ee ka dhacay Hargaysa Shalay, waxana ay culimadu isku raacday in cida gaysatay falkani aanan loo helay qiil diini ah oo ay ku marmarsiiyoodaan diinta islaamkuna ay ka dhawrsatay falalka argagixiso ee noocan oo kale ah ee umada degan nabadana haysata lagu baro kicinayo.

Sh, Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo isagu ka hadlay kulankan ayaa yidhi “ Diinta Islaamka wayk asoo horjeeda falalkan dhacay waxana ay qabtaa in qofka qof dila uu la mid ayay qof umada oo dhin dilay, qofka qof badbaadiyayna waxa uu la mid yahay qof umada oo dhan badbaadiyay, waxana ay culimadu cambaaraynaysaa cidii falkaas gaysatay waxana aan ku baaqaynaa in la isdajiyo lana foojignaado”.

Sh. Cali Aadan ooisaguna ka hadlay xiisadan ayaa yidhi “ Islaamku waa dii sharaf mudan mana ogola in umada la jahawareeriyo, waxa ay diinta islaamku qabtaa in Amnigu uu ka horeeyo iimaanka, waxana ay si wayn u soo dhawaysay xasiloonida oo ay tidhi waa tan iimaanka suuban abuuri karta waxana uu si kulul u cambaareeyay falalkaasi shalay ka dhacay Hargaysa.

Sh. Cali Shucayb oo isaguna ka hadlay wixii ka dhacay shalay Hargaysa ayaa ku tilmaamay wax aanan meelna ka soo galin diinta islaamka isla markaana ku lidi ah diinta islaamka laf ahaanteeda, waxana uu yidhi “ Umada islaamka ahi waa mid ku wada dagan xasilooni oo aanan ogolayn tafaraaruqa iyo kal daadsanaanta waxana uu yidhi waxa inta gaysatay falkii shalay ay yihiin kuwo umada fasahaadinaya oo aanan qiil diineed loo helayn waanan kuwo cadaab uu abaalkoodu noqon doono.

Sh. Axmed Sh. Jibriir iyo Sh. Xasan Khadar oo iyaguna ka hadlay madashan ayaa tacsi u diray umada reer Somaliland oo dhan waxana ay tilmaameen in islaamku uu yahay diin sharaf mudan oo aanan haboonayn in laga marmarsiiyo sheegto waxana ay ku dheeraadeen Islaamka iyo umada xisiloon sida uu quraanka iyo Sunuhuba u amanay.

Sh. Nuur Maxamuud Ducaale, Sh. Maxamed Siciid Cilmi Saaweer, Sh. Maxamuud Caateeye, Sh. MAxamed daahir Dhawal, Sheekh Xasan Khayre iyo Sh. Cabdilaahi Maxamed Gadiid ooiyaguna goob joog ka ahaa madashan ayaa muujiyay in ay culimada hore la wadaagaan dareenka ah waxa dhacay sida ay uga soo hor jeedaan isla markaana ay qabaan in islaamku ceeb iyo argagixiso ka saliim yahay waxana ay u tacsiyadeeyeen umada Somaliland iyo Madaxwaynaha Qaranka waxana ay si kulul u cambaareeyeen wixii dhacay iyo cida ka dambaysayba.

Wariye:
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama