banaanbaxii-boorama.JPGBoorama-(Lug)-Isusoobax aad u dhiilayan oo lagu muujinayay sida ay dadka reer Boora uga xun yihiin qaraxyadii ka dhacay Hargaysa

maalintii shalay ahayd ayaa waxa uu ka dhacay isgoyska Harawo ee magaalada Boorama, madaxda xukuumada, salaadiinta, iyo odayaasha gobolka ayaa ay si wayn ula hadleen umada reer Boorama iyaga oo u tacsiyaynaya shacabka reer Somaliland iyoXukuumada Somalilandba.

Wasiirka xidhiidhka golayaasha Cabdi Xasan Buuni oo la hadlay dadka ayaa si wayn u cambaareeyay cidii gaysatay falalkan waxana uu umada reer Somaliland ugu baaqay in ay foojignaadaan. Wasiir Buuni waxa uu si kulul u cambaareeyay Saxaafada Hargaysa oo uu xusay in ay qoreen hadalo shacabka reer Somaliland kala gaynaya isla markaana meel ka dhac ku ah cahdigii ay beelaha Somaliland ku saxeexdeen Boorama sanadii 1993kii. Waxana uu salaadiinta reer Hargaysaad qaar ka mid ah u tilmaamay in ay ogsoonaadaan in ay dhulka Bariga Baki isku haystaan Beelo Kooban oo iyagu dadka iska xiga oo aanan u baahnayn in lasii kala fogeeyo.

banaanbaxii-boorama.JPG

Badhsaabka Gobolka Awdal  Maxamuud Sh. Cabdilaahi ayaa mucjiso ku tilmaamay qaraxjada dhacay waxana uu  u tacsiyadeeyay umada Somaliland oo dhan, waxa uu ku celiyay in ciidanka qaranka ee gobolka heegan 100% ah la galiyay waxana uu  dadka ugu baaaqay in la feejignaado lana taageero ciidamada. Waxa kale oo uu ka digay in la marti galiyo ama xidhiidh lala sameeyo kooxaha uu ku timlaamay in ay yihiin cadawga Somaliland.

badhasaabka-iyo-banaanbixii.JPG

Qurba-Joog Maxamed xasan Mataan oo isaguna dadka la hadlay ayaa  yidhi “ Waxaan ka xumahay Salaadiintii reer Gabilay iyo Hargaysaad ee lahaa waxaan weeraraynaa walaalahooda beelaha Awdal ee ku andacoonayay in ay dhul ka soo qaadanayaan oo uu xusay in eebe uu u jawaabay qaraxyana uu ku saliday, waan ka xumahay runtii qaraxyadaas laftooda waanan cambaaraynayaa argagixisada balse waxa aan aad uga digayaa in umada wada dhalatay la sii kala fogeeyo. Maxamed Xasan Mataan waxa kale oo si kulul u cambaareeyay saxaafada Hargaysa oo uu xusay in ay xiisada hurinayaan si ay war u helaan waxana uu yidhi “ saxaafada hargaysa ee magacda salaadiinta iyo nabadiidada kale soo taxaya waxa aan u arkaa in ay masuul ka yihiin kala qaybinta laba qoys oo wada dagan oo abaar iyo barwaaqaba wada hela, farxad iyo naxdina wadaaga oo isku ehel ah, isku dad ah. Waxa kale oo tilmaamay in falkii shalay dhacay uu ahaa Aayad iyo Astaan samaawi ah oo u tagaan  dulmiga salaadiinta qaarkood, waxanan leeyahay dadkaasi iyaga ayaa is dhalay oo waxa ay leeyihiin cadawqudha oo wada dilaya labadooduba, waxaana loo baahan yahay in wax lagu qaato oo laga wantoobo iska horkeenka dadka wada dhashay. Mar uu ka waramay dhinaca diiwaan galinta waxa uu tilmaamay in uu aad ugu farxsan yahay sida wayn ee ay dadku ugu soobexeen waloow uu tilmaamay in ay goldaloolooyin badani jireen, taasna lagaga badbaaday midnimo balaadhan oo la muujiyay.

banaanbaxa-saladiintii-fadhiday-boorama.JPG

Gudoomiyaha waxbarashada ee Gobolka Awdal Prof. Daahir Maxamuud Xadi oo isaguna la hadlay umada ayaa waxa uu yidhi waxa Soomaliland maanta taabtay waa fule nabada la col ah oo aanan u soo badheedhayn balse raba in uu gaadmo ku waxyeelo umad ay xadaaradeedu horayso oo ay u suuro galeen dhisida hayado dawli ah iyo kuwo gaar ahba. Waxan uu u tacsiyadeeyay dadwaynaha reer Somaliland.

Salaadiin waawayn oo uu ku mid yahay Sul. Ibraahim Jaamac Samatar oo halkaas ka hadlay ayaa iyaguna umada u tacsiyadeeyay isla markaana cambaareeyay cidii falkaasi gaysatay umadana waxa ay ugu baaqeen in ay feejignaan muujioyaan.

Wariye:
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama