Boqol Iyo Afartan Kun Oo Codbixiye Ayay Tilmaamaysaa Natiijada Hordhaca Ahi In Ay Is Diiwaan Galiyeen”
Boorama-(Lug)-Gudoomiye ku xigeenka komishanka diiwaangalinta dalka Ali Maxamed cabdale Biikalo ayaa manta ku dhawaaqay natiijada hirdhaca ah ee ilaa hada laga ogyahay dadka iska diiwaangaliyay Awdal. Hadladan waxa uu sheegay mar ay shir jaraa’id ku qabteen hotel Rays ee magaalda Boorama.
Gudoomiyuhu waxa uu isaga oo arimahan ka hadlaya uu yidhi “ Waxa aan ilaa hada haynaa waa natiiijo aanan dhamaystirnayn waxana dadka aan diiwaangalinay ay dhan yihiin Boqol iyo Afartan kun oo qof oo gobolka oo dhan ah, intan kuma dham balse waxa aan filaynaa in ay tiradani kor u kacdo sababtoo ah waxa naga maqan wali tirokoobkii gobo badan oo ay isgaadhsiintu saamixi wayday, waxa kale oo jira in aanay dadku wali isdiiwaan galin badhkood oo aan u reebi doono kooxo kale oo wareega oo hawsha sii wadi doona”.
Gudoomiyaha diiwaan galinta ee Awdal Faarax Cilmi MAxamed ayaa isaguna u sheegay saxaafada in ay daliilo badan oo ay ugu waawaynaayeen cilado farsamo gobolka hadeeyeen isla markaana ay isdiiwaangalintu aad u liidatay waxana uu sheegay in tiradan soo baxday ilaa hada ay tahay mid hordhac ah oo ay filayaan in ay kasii korodho, gudoomiyuhu waxa uu u mahadnaqay dadka reer Awdal oo sida uu sheegay iyagu ka midho dhaliyay ujeedadii diiwaangalinta.
Xubno tiro badan oo kumishanka ah oo shirkan Jaraa’id ka hadlay ayaa tacsi u diray qaranka Somaliland oo ay xuseen in maalintii shalay ahayd ay masiibo ba’ani ku dhacday
Wariye:
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Komishanka Diiwaangalinta Oo Soo Saaray Natiijooyin Hordhac Ah Oo Ku Wajahan Diiwaangalintii Awdal "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback