Maamulka Puntland ayaa maanta oo khamiisa  sheegay in ay u qabteen qaraxyadii shalay oo galaaftay 30 nafood sheekh lagu magacaabo Mohamud Ismail .

“Booliska ayaa soo weeraray gurigayaga waxayna nagu fureen xabad waxayna ka dhaawaceen gacanta adeerkay (Mohamud Ismail) wayna kaxaysteen” ayuu yidhi qaraabada sheekha oo la yiraahdo Abdishakur Mire.
 
Maamulka Somaliland ayaa isna sheegay inay qabteen dhawr qof balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin. Inkastoo wasiirka arimaha gudaha Abdillahi Ismail yidhi  “qaraxyadan waxa laga soo qorsheeyay Muqdisho”.
 
Inkastoo tuhunadu isha ku hayaan kooxda mitidka islaamiga ah ee Al-Shabaab kuwaas dhawaan soo dhigay barta internetka video- is qarxina , Hadana ma jiraan talaabooyin muujinaya inay iyagu ka dambeeyeen.
 
 
 Routers