Boorama-(Lug)-Musharax adaxwayne -ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Eng. Saylici ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay caasimada Hargaysa.
Waxana uu ku tilmaamay kuwo lidi ku ah qaranimada ay Somaliland iskeed u samaysatay waxana uu yidhi “ waxa ay qaraxyadani astaan u yihiin in cadawgu uu doonayo in uu waxyeeleeyo qaranimada Somaliland laguna carqaladeeyo diiwaangalinta iyo doorashooyinka dimuquraadiga ah ee dalka ka qabsoomaya. Isaga oo ka sii hadlaya waxa uu Musharax Madaxwayne-Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Eng. Sayliciyidhi “ Waxa noo qabsoomay hawl wayn oo aanan la iska indho tiri karin waana taas mida uu cadawgu doonayo in uu mijo xaabiyo, Eng. Saylici waxa uu ugu baaqay Xukuumada in ay la timaad qorshayaal adag oo wax ka qabanaya dhinaca difaaca dalka oo uu tilmaamay in laga faa’iidaystay dhaliilaheeda jira. Waxana uu xusay in axsaabta mucaaridka ahi ay barbar joogaan xukuumada iyaga oo ujeedadoodu tahay difaaca dalkan. Eng. Saylici waxa uu ugu baaqay dadka reer Somaliland in ay foojignaan muujiyaan oo ay gacan buuxda siiyaan ciidamada amniga si loo soo helo cadawga ku dhex jira. Musharax Madaxwayne-Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Eng. Saylici waxa uu xusay in xisbiga Kulmiye uu yahay mid dimuquraadi ah oo nabada jecel isla markaana si wayn uga soo horjeeda argagixisada iyo nabadiidka. Eng. Saylici waxa uu u tacsi u diray gabi ahaanba shacabka reer Somaliland iyo xukuumada Itoobiya oo ay muwaadiniin kaga geeriyoodeen falkan.
Musharax Madaxwayne-Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Eng. Saylici waxa kale oo uu ka waramay natiijooyinka hordhaca ah ee ka soo yeedhay diiwaangalintii gobolka Awdal ka dhacday waxana uu yidhi “ 140 kun oo muwaadin oo codbiye ahi waa natiijo fiican, waxa ay muujinaysaa in ay dadka reer Awdal si wayn isugu soo bexeen diiwaan galinta, waxa uu xusay in ay dadbadan oo isbedel doon ahi isdiiwaan galiyeen isla markaana ay guulaha shacabku horkacayo ay soo ifbixi doonaan dooroshooyinka bisha March 2009ka ee soo socota, mar uu ka waramayay qaladaadka ilaa hada jira ee diiwaangalinta ayaa waxa uu yidhi “waxaan tabayaa in ay dhaliilo badan oo loo baahnaa in ay xukuumadu buuxiso ay jireen, hadii eebe idmo waxa aan rajaynaynaa in ay gobolada kalena si wayn uga qayb galaan diiwaan galinta, waxa aan u tacsiyaynayaa gabadhii ku dhimatay Boorama ee hawlaha diiwaan galinta u geeriyootay, waxanan u mahadanaqayaa dhamaan dadka reer Awdal ee yar iyo wayn ka qayb qaatay diiwaan galinta, intii cadceeda u taagnayd mudada dheer, intii muujisay in la isticmaalo gaadiidkeeda iyada oo diiwaangalinta dhiiri galinaysa iyo gabi ahaaba shacabka reer Awdal oo dhan.
Wariye:
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Musharax M/Ku Xigeenka X/Kulmiye Eng. Saylici Oo Cambaareeyey Qaraxyadii Hargaysa Ka Dhacay Kana Warbixiyay Diiwaangalintii Awdal Ee Dhamaatay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback