diridhaba.JPGAniga oo aad iyo aad uga tiiranyeysan isla markaana argagaxa iyo jidhidhico badani ay jidhkayga taabatay markii aan maqlay warka dhiilada iyo naxdinta huwan

diridhaba1.JPGee lagula kacay dalkaygii aan jecla iyo dadkaygii aan jecla, ayaa waxaan tacsi u diraya dhamaanba magacyada daqiiqad kasta la iigu soo sheegayo telefoonka inay ka mid ahaayeen muwaadiniinta somaliland ah ee aan waxba galabsan ee qaraxyadani fulaynimada ah ku geeriyooday.
 
allaha weyn ayaan uga beryayaa inuu naxariistee janno fardawsa ka waraabiyo, allaha weyn ayaan ka beryaya inuu raaciyo jidkii nebi muxamed iyo kii saalaxiinta, allaha weyn ayaa ka beryaya inuu qabriga u nuuro, janno fardawsana ugu hibeeyo.
 
Tallo Ku Socota Shacabka Iyo Xukuumadda Somaliland
 
Shacabka:-
 
Shacabka somaliland waxaan ka codsanaya oo aan ka beryaya inay ilaashadaan midnimadooda, nabadgelyadooda, xasiloonidooda iyo isku duubnidooda, cadawgu wuxuu u haysta in ay wax ina yeeleen, laakiin way khaldameen, somaliland maalin maanta ka adag ayaa soo martay, falkasta oo nacasnimo iyo fulaynimo ka muuqato oo aad nagula kacdaana waxba nagu yeeli maysaan.
 
Shacabka Somaliland waxaan ku dardaaraya in aanay aargoosi iyo hantidaad midna aanay kula kicin dadka aynu walaalaha nahay ee soomaaliya  ee inoo martida ah ee dalkeena jooga ee iyaguba dalkoodii uga soo cararay inay ammaan ka hellaan dalkeena, shacabkaan jecelahayow waxaynu nahay dad samir badan, dulqaad badan, jecel wanaaga iyo nabadda, ogaada in nabada iyo xasiloonida aynu haysana ay idinka dhinaciina ka timid, maalintii cadawgii siyaad barre ay diyaaradaha inagu garaaceen ee ay boqolaalka qof inaga xasuuqeen, waxaynu ku ilawnay dalkeenii iyo xornimadeenii aynu soo dhicisanay, maantana waxaan u sheegaya kuwa cadawga u ah callanka iyo qaranimada Somaliland iyo wadajirkiina in aanay weeraradani fulaynimada ah waxba idinku yeelayn.
 
aynu ilaalino dhammaanba dadka inoo martida ah, aynu la shaqayno ciidamada ammaanka, aynu tusno beesha caalamka sida ay inooga go’antahay inaynu la dagaalano kuwa argagixisada, bahalnimada iyo cadawga ku ah nabadda iyo wanaaga.
 
waxaan idiin ballan qaadaya in adduunyadu ay inala shaqaynayso, cid kasta oo falkaasi gaysatayna meesheeda loogu tagi doono isla markaana la hor keeni doono cadaaladda, tii ilaahayna ay u danbayso.
 
Xukuumadda Somaliland:-
 
Waxaa la weeraray shacabkii aad sharaftooda huwanaydeen , waxaa la hantiday qarrankii aad tiirkiisa hayseen, waxaan ka codsanaya xukuumadda Somaliland inay sida ugu dhakhsaha badanleh farta ugu fiiqan cidii ka danbaysay falkani fulaynimada iyo doqoniiimadda bahalnimada ahi ka muuqdo, waxaan idinka codsanaya inaad qaadataan masuuliyadda ilaalinta nafta iyo hantida shacabka aad masuuliyadooda haysaan.
 
Waxaan aad u ammaanaya hadalkii qiimaha, qadarinta iyo masuuliyadda badani ka muuqatay ee Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Mudane Madaxweyne mucaarid iyo muxaafid, suxufi iyo aqoonyahan adiga ayaanu kugu daba faylsanahay, adiga ayaa ah madaxweynahayagii aanu jeclayn, waxaanu ilaahay kaaga beryaynaa inuu xilka aad hayso iyo masuuliyadda kuu fududeeyo.
 
Waxaan ammaan usoo jeedinaya Guddoomiyayaasha labada xisbi qarran ee Somaliland Mujaahid Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah halgamaa weyn oo ah nin qiimo badan ummadda ku leh, iyo Mudane Engineer Mujaahid Faysal Cali Waraabe oo ah muwaadin sharaf iyo cisi ku leh umadiisa, waxaan ku ammaanaya hadaladii wanaagsana ee ay usoo jeediyeen shacabka Somaliland.
 
Waxaan sidoo kale usoo diraya dhambaal ciidamada ammaanka iyo kuwa qarranka somaliland oo ah laf dhabarta dalkan iyo dadka Somaliland, waxaan si naxariisleh idiinka codsanayaa mudanayaal inaad qaadataan hawshani oo ah xilkiinii isla markaana aad cadawgii falkani gaystay aad cadaaladda hor keentaan.
 
waxaan ugu danbayntii u sheegaya fulayada, falkani bahalnimada ah gaystay in aydaan waxba na yeelin, waad na midayseen, gacmaha ayaanu is haysana, waxaa ballan naga ah in aanu cadaaladda idinla tagno isla markaana adduunyada idinkaga aargoosano, waxaanu nahay qaran dalkiisa iyo dadkiisu dulqaad badanyahay, laakiin marka nala damqo waxaa ballantayadu tahay inaanu seefta naxariis darrada galka ka saarno, waxaa inoo ballan ah adduunyadana cadaaladda aakhirana xisaabta alle.
 
Somaliland Guul iyo gobonimo.
 

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

London, UK.
diridhaba@gmail.com