Boorama-(Lug)-Masuuliyiinta ururka badbaadada caruurta iyo haweenka ee Kaalmo  ee kala ah Wasiira Cadi Faarax, Xaawo Rooble Cidheere,

Caasha Jaamac Faarax, Aasiya Cabdi Jirde iyo Madiino Axmed Jigne ayaa ka hadlay qaraxyadii ka dhacay shalay caasimada Hargaysa, waxana ay masuuliyiini ururka Kaalmo ugu horayn tacsi u direen dhamaan qoysaska intii ay ka geeriyoodeen dadkii shalay gacanta cadawu sahayatay, waxa kale oo ay tacsi u direen guud ahaan umada Somalilan gaar ahaan xukuumada oo ay ka tacsiyadeeyeen qasaarihii dhimashada lahaa ee uu cadawgu gaystay.

Masuuliyiinta kaalmo iyaga oo ka waramaya wixii dhacay shalay ayay yidhaaheen ” Waxa dhacay falalnaxdin leh oo lala beegsaday umad xasiloon oo aayaheeda ka tashatay, waxa loo dan leeyahay waa nabada ay Somaliland ku naaloonayso ee ay dimuquraadiyada ku hiigsanayso, waxa dhibaya cadawgu waa hormarka waxbarasho ee ay Somaliland gaadhay, waxa ay sameeyeen ee diiga daadiyayna waxa uu yahay astaan taariikhi ah oo muujinaysa in Somaliland ay cadawyo badan leedahay, waxa aan umada ku baraarujinaynaa in amniga laga shaqeeyo  waxana aan anagu hormood ka noqonaynaa oo aan daafacaynaa qaranimada Somaliland, waxa aan diyaar u nahay balana qaadaynaa in aan ciidamada amniga gacan siino isla markaana awlaada ku tarbiyadayno ilaalinta qarankan aanan cidlada laga helin ee uu dhiigu u soo daatay, waxa aan dadwaynaha Somaliland markale yar iyo wayn , shacab iyo masuul ku baraarujinaynaa adkaynta midnimadaqaran iyo ilaalinta qaranimada Somaliland in loo feejignaado Caalmakana waxa aan ka baryanaa in ay Ictiraaf na siiyaan oo aanay in ka badan 18kaas sano naga qabsan indhaha”.

Masuuliyiinta Kaalmo waxa kale oo ay ka warameen hawlaha diiwaangalinta ee Awdal iyo Salal ka qabsoomay waxana ay yidhaahdeen ” Waxa hore loo qaaday boqolaal mayl oo muujinaya hormarka iyo dimuquraadiyada Somaliland, diiwaangalinta ayaan astaan u ah guulaha aanan la iska indho tiri karin ee caalamka ay Somaliland tustay, waxa aan u mahadnaqaynaa dhamaan umada reer Awdal iyo Salal sida ay isku xilqaameen ee ay uga soo baxeen diiwaan galinta, waxanan ugu baaqaynaa gobolada hadhay in ay iyaguna si wayn ugu feejignaadaan ahmiyada diiwaangalinta.

Masuuliyiinta Kaalmo waxa kale oo ay u tacsiyadeeyeen eheladii ay ka baxday marxuumad Xamda Axmed cabdi Miicaad oo ku geeriyootay Boorama iyada oo ku guda jirta hawlaha diiwaan galinta waxana ay uga baryeen eheladeeda samir iyo iimaan iyadana jano ayay eebe uga baryeen.

Wariye:
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama