Boorama-(Lug)-Shir jaraa’id ayay maanta wada jir u qabteen wasiirka xidhiidhka golayaasha Cabdi Xasan Buuni iyo Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle shirkaas oo lagu qabtay hotel Rays ee magaalda Boorama ayay madaxdu kaga hadleen xiisadihii qaraxyada ee shalay Hargaysa ka dhacay iyo mawqifkeeda, waxa kale oo ay ka warameen arimaha diiwaangalinta ee ay komishanku soo saareen natiijadooda.
Wasiir Buuni oo arimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “ Waxana aan u mahadnaqayaa dhamaanba cidii waday hawsha dii waangalinta ee lamaa odayaal iyo cid walba oo reer Boorama ah, waxa ay ahayd hawshii diiwaangalintu waajibaad qaran oo dastuuri ah, waxana ay guul u tahay dadka reer Booram aiyo reer Awdal iyo reer Somalilandba” waxa isaga oo wasiirku ka hadlaya qaraxyadii shalay ee hargaysa ayaa waxa uu yidhi “ Waxa aan ka xumahay waxa ka dhacay Hargaysa shalay, waa fal laga naxo oo uu cadow soo maleegay, waxa ay isku dayeen in ay na taabteen madaxa, waxa aan cambaaraynayaa cidii soo maleegtayee aan la garanayn ujeedadooda, waxa aan rajaynayaa in aan hurdada ka kacno waxana ay muujinayaan in aan hurdada ka kacno, caalamka ayaa na hakraday oo dib nooga dhigay aqoonsiga. Waxa aan tacsiyaynayaa umada Somaliland iyo intii ku dhimatay oo dhan waxaanan tacsi gaar ah u dirayaa ehelada intii ku geeriyootay qaraxyadan”.
Xildhibaan Axmed Yaasiin oo isaguna ka hadlay xiisadahan ayaa waxa uu yidhi “ Diiwaangalintu si fiican ayay ku dhamaatay balse dhaliilo xoogan ayay lahayd oo qiyaasta ah 140ka kun ee is diiwaan galiyay waxa ay u dhigantaa in 40% ay is diiwaangaliyeen oo la micno ah in guri walba ay 2 qof iska diiwaan galiyeen”. Mar uu xidhibaanku ka waramayay arimaha qaraxyadii dhacay waxa uu yidhi “ Waxa loogu talo galay in madaxa la jabiyo dalkan waayo madaxwaynuhu waa astaanta qaranimo, waxana ay isku dayeen in ay mar kaliya dhulka dhigaan qaranimadeena, ma aha hadiyad nabad aan hayno waxanan dadka ugu baaqaynaa in ay ilaashadan nabada ay haystaan oo ah mid aanan dhayal ku iman”.
Wariye:
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wasiir Buuni Iyo Xildhibaan Axmed Yaasiin Oo Ka Hadlay Qaraxyadii Shalay Iyo Arimaha Diiwaangalinta. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback