Hargaysa-(Lug)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa  maanta Gacanta ku dhigay Koox looga shakisanyahay Argagaxiso ka tirsan kuwii dhawaan Qaraxyada ka fuliyay Somaliland

Warar isa soo taraya oo aanu ka helnay Dad u dhadhaw Fal maanta lagu qabtay laba Qof oo la sheegay in ay ka tirsanyahiin Kooxdii dhawaan Falka Axmaqnimada ah ka fulisay Hargeysa iyo Gaadhi seeraf ah oo la sheegay in ay ku qarsanayeen Guri ku yaala Xaafada Cabaaye ee Magaalada Hargeysa ayaa la sheegayaa Baadhitaan in lagu wado.

Xidhiidh aanu khadka Tellephonka kula yeelanay Madaxda  Booliska ka dib markii dhacdadaa Xadhiga Labada Nin iyo Gaadhigii soo baxday ayay qaarkood noo sheegeen in ay Mashquulsanyahiin oo aanay war diyaar u ahayn, in kasta oo mid kamid ah Madaxada Boolisku noo Xaqiijiyay jiritaanka Labada Qof ee la Xidhay iyaga iyo Gaadhi uu ku jiro Qalab looga shakiyay Aaladaha Qarxa, waxaanu Sarkaal kaasi waxa uu Saxaafada u sheegay in ay dhawaan soo saari doonaan war cad oo ku saabsan Cida ay yahiin Dadkaas la qab qabtay.

Sidoo kale Sarkaal kaasi waxa uu noo Xaqiijiyay in Dad badan loo Xidhay Falkii Qaraxa ahaa Baadhitaan Xogan ay ku wadaan Dadkaasi.

Ka dib markii malintii Arbacadii ay Magaalada Hargeysa ka dheceen Saddex Qarax  oo lala kala beegsaday Madaxtooyada, Xarunta UNDP da iyo Safaarada Itoobiya

Waxaa la adkeeyay Guud ahaanba Amaanka Magaalada Hargeysa iyada oo baadhitaano kala duwan lagu samaynayo Falkii dhacay cid ku lugta lahayd.

Waaheen