Hargeysa-(Lug)-Culimada Magaalada Hargeysa ayaa si kulul u naqdiyay isla markaana Xaaran ku tilmaamay qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Hargeysa.

Warsaxaafadeed ee maanta soo saareen 19 Sheekh oo ka mid ah Ka mid ah Culimada Magaalada Hargeysa ayaa u qornaa sidan:-

“Annaga oo culimada magacyadoodu hoos ku saxeexan yihiin, aadna uga xun dhibaatadii foosha xumayd ee ka dhacday magaalada Hargeysa waxaannu soo jeedinaynaa bayaankan hoos ku qoran:

1-Ugu horreyn, waxaannu tacsi u diraynaa dhammaan dadka eheladoodu ku dhinteen ama ku dhaawacmeen dhibkii naxdinta lahaa ee ka dhacay magaalada Hargeysa maalintii Arbacadii, taariikhduna ahayd 29 October 2008 iyo guud ahaanba ummadda Somaliland shacbi iyo dawladba, Ilaahayna waxaannu uga baryeynaa inuu u naxariisto intii dhimatay, inta dhaawaca ahna shaafiyo.

2-Waxaannu aad iyo aad uga xunahay, una dhaleecaynaynaa falka foosha xun ee lala beegsaday dadka aan waxba galabsan, kaas oo islaamku xaaraantimeeyey berina ka yahay.

3- Waxa aannu caddaynayaa in aanay bannaanayn in dhiigga dadka muslimiinta ah lagu daadiyo sabab la’aan.

4-Waxa kale oo aannu u soo jeedinaynaa dhammaan shacbka iyo dawladda Somaliland ee dhibaatadu ku dhacday inay dulqaataan, iskana ilaaliyaan degdegga, wax dhibaato ahna aanay kula kicin cid aan waxba geysan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee soo barakacay, martida innagula jooga, waana in meel looga soo wada jeesto isku duubnida ummadda iyo ilaalinta nabadgelyada.

5-Ugu dambayn, waxaannu Ilaahay ka baryeynaa inuu innaga dhawro fitnada iyo dhibaatooyinka kala duwan, cid kastoo wadanna innaga qabto.”

Magacyada culimaa’udiinka bayaankan soo saaray:

1-Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
2-Sh. Xasan Cabdisalaan Sh. Cali
3-Sh. Cabdiraxmaan Axmed Cabdi
4-Sh. Yuusuf Aadan Maxamed
5-Sh. Khaliif Cabdillaahi Axmed
6-Sh. Cismaan Cali Xuseen
7-Sh. Maxamed Cali Gadhle
8-Sh. Maxamed Aadan Muxumed
9-Sh. Maxamed Macallin Cabdi
10-Sh. Cabdillaahi Cabdi Cali
11-Sh. Maxamed Cali Geeddi
12-Sh. Ciise Maxamuud Cabdillaahi
13-Sh. Cabdiqani Xuseen Maxamed
14-Sh. Cabdillaahi Axmed Diiriye
15-Sh. Maxamed Ibraahim Jaamac
16-Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre
17-Sh. Cabdillaahi Cabdi Cali (Makaawi)
18-Sh. Ismaaciil Cabdillaahi Jaamac
19-Sh. Cabdulqaadir Xaaji Jaamac

Dhinaca Kalena khudbadii Culimada waawayn ee magaalada Borama ayaa Khudbadii Salaadii jimcaha ee maanta kaga hadlay Masaajidada Magaalada, waxaanay sheegeen inay xaaraan tahay in la is qarxiyo iyo in dad aan waxba galabsan dhiigooda la daadiyo.

Culimadan oo ka mid ahaa Sheekh C/laahi Cali Jawhar , Sh.Ali Aden, Sh.Maxamed Siciid Saaweer iyo Culimo kale oo aad u faro badan ayaa dhambaalo tacsi ah u diray qoysaskii dadkii ku dhintay Qaraxyadaasi.

Lughayanews
Hargeysa Office