inaalilaah.jpgBaaq Ah :Tacsi, Canbaarayn Iyo Tageero Sida Wadajir Ah Uga Yimid, UDUB Norway, Ucid Norway Iyo Kulmiye Norway
 
Aniga oo ku hadlaaya magaca xubnaha, tageerayaasha UDUB Norway, Ucid Norway iyo Kulmiye Norway waxaanu

1.Tacsi Qaran udiraynaa Dhamaan Umadda somaliland xukuumad iyo shacaba guud ahaan, gaar ahaana dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay Hujuumkii iyo weerarkii Axmaqnimadda iyo Bahal nimada ahaa ee laga fuliyey Caasimada dalka ee Hargeisa ,waxanan leeyahay Masiibadaa Qaran ilaahay sahal haynagu dhaafiyo samir iyo iimaana ilaahayha innga siiyo intii ku dhimatay,wixii dhaawac ahna ilaahay ha u sahlo.

2. Canbaarayn : Waxaanu si wadajir ah u canbaaraynanaa falkaa axmaqnimada iyo doqonimadu ka muuqato.

3. Taageerida : Waxaanu tageero buuxda u soo diranaa Xukuumada iyo Umada Somaliland.
 
Waxaa soo wada qoray gudiyada laamaha 3 xisbi qaran ee Norway
 
UDUB NORWAY .
UCID NORWAY .
KULMIYE NORWAY

.____________________________________________

Canbaarayn, Tacsi Iyo Talo Soo Jeedin Ku Socota Jaaliyaddaha Somaliland Oo Ka Timid UDUB UK

Ugu horayn waxaa mahad iska leh Ilaahay(swt) Qaranka JSL ka badbaadiyey shirqoolkii loogu talo galay in lagu burburiyo loona adeegsado gawaadhi Miinaysan oo Argagixiso is Miidaamin ahi wadaan.

Mar labaadka waxaan Aniga oo ku hadlaya Magaca Xisbiga UDUB UK Tacsi u dirayaa Madaxweynaha JSL iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland, gaar ahaan Ehelada iyo Qaraabada dadkoodii ku geeriyoodeen weerarada argagixisada ah (Ilaahay Samair iyo Iimaan ha inaga siiyo, iyagana naxariistiisa Janada ha ka waraabiyo).

Intaa ka dib UDUB UK Waxa uu si xoog leh u  canbaaraynayaa weeraradaas bahalnimada ah ee ka baxsan dhaqanka Islaamka iyo Soomaalida ee aan loo kala meel dayin Madax iyo Maato kuwaas oo si toos ah loola beegsaday 29/10/08  Xarunta Madaxtooyada JSL, Safaaraddii Ethiopia iyo Xaruntii UNDP. Si aan toos ahayna loola beegsaday quluubta iyo shucuurta guud ahaan Shacgiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba.

Hadaba si aynu u muujinno dareenkeenna iyo sida aynu uga xunahay weeraradaas waxaa Jaaliyadaha Somaliland la gudboon sida ay soo jeediyeen Xubno badani inay sameeyaan banaanbaxyo iyo ficillo kale meel ay joogaanba lana  canbaareeyo falalkaas waxashnimada ah iyo shirqoolada Argagixisada ah ee lagu waxyeelaynayo Qaranimada qiimaha weyn inoogu fadhida ee JSL.

Ugu dambayntii waxaa Mahadnaq iyo Amaan Mudan Website yada ama shabakadaha wararka Somaliland oo ka soo baxay waajibkoodii ka saarnaa weeradan lama ilaawaanka ah.
  
  
Axmed Naasir Xirsi Maxamed
Gudoomiyaha UDUB UK
Ahmedlibaah@hotmail.com

________________________________________________

Jaaliyadda Ottawa Ee Reer Somaliland Oo Tacsi U Diraysa Ummada Reer Somaliland

Jaaliyadda Ottawa ee reer Soomaaliland waxay uga tacsiyadaynaysaa ummadda reer Soomaaliland, Madaxtooyadda, Guurtidda, Golaha Wakiiladda, Axsaabta Qaranka iyo dhamaan shacbiga reer Soomaaliland falkii waxashnimadda ahaa ee ay ku kaceen, alle uma naxariistayaashii gaystay dhimashaddaa iyo dhaawacaa, ummadda soo gaadhay.
 
Waxaanu ku baraarujinaynaa ummadda sharafta leh inay feejignaato, oo ay meel uga soo wada jeestaan cadowgooda, ka gudaha ku nool iyo ka debedda ka imanayaba ee u eeg.
 
Waxaa ayaan daro ah in maanta qaar muslim sheeganayaa ay haddana dad muslim ah oon waxba galabsan ay kula kacaan falalkaa argagixisoda ah, qaar kale oo u dhashay dalkuna hoosta sacabka uga tumayaan. Waxaan ilaahay uga rajaynaynaa inuu dhibtoodda naga dul qaado, ummadduna dhinac ka wada marto, lana shaqayso aminiga dalka, indho iyo dhagona u noqdaan. 
 
Intii dhimatay Alle ha u naxariisto, inta dhaawaca ahna Alle caafimaad ha siiyo.  Inagana dhaamteen samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo.
 
 
Maamulaha, Jaaliyadda Ottawa Somaliland Community Services
Axmed Xasan Axmed – Quick
Ottawa- Kanada
 
www.oslcs.ca

______________________________________________

Maamulka Iyo Shaqaalaha Shirkada Dahabshiil Kampala Uganda Oo Tacsi U Diraya  Dhamaan Eheladii Dadkii Ku Dhintay Qaraxyada

Dhamaan maamulka shirkada dahabshiil kampala ugaanda waxay tacsi udirayaan dhamaan  dadkii ku dhintay qarixii axmaqnimada ahaa ee kadhacay magaalada hargaysa

Inuu samir iyo iimaan kasiiyo ehaladii iyo qaraabadii ayka baxeen dadkii ku geriyooday qaraxaasi  waxaanan illaahay uga baryanaaa inuu janadii eebe kawaraabiyo

  Magaca Maamulka Iyo Shaqaalaha Shirkada Oo Ah Sedan

1.Ahmed Abdi Elmi   –     Country Manager
2.Mustafe Abdirahman Awad
3.Cabdixakiin Ismail Duale
4.Cabdirisaq Mohmed Mumin
5.Cabdikarin Omar Hasan
6.Abdirahman Omar Ismail
7.Caasha Xariir
8.Niciimo Aadan .
9.Siyaad Hasan
10.Sulaaakha Mohmed
11.Abdikhaalaq Mohmed
12.Abdirashiid Xirsi Diiriye
13.Mahdi Omar Aden
14.Hussen Haji Duale
15.Guled Mohmed Omar
 
Dhamaan waxaan leenahay eheladii iyo qaraabadii ay kabaxeen inuu ilahay samir iyo imaan kasiiyo
 
Aamin    Aamin   Aamin

abdirizack mumin
cabditall07@hotmail.com

___________________________________________

Ardayda Somaliland Ee Bangladesh Waxay Tacsi Iyo Talo Soo Jeedin U Dirayaan Shacabka Iyo Xukuumadaba

Anagoo ah ardayda reer somaliland ee wax ka barata Dalka BANGLADESH waxaanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhamaanba umada somaliland gaar ahaan qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen muwaadiniintii ku dhimatay qaraxii iyo weerarkii bahalnimada ahaa ee lagu soo qaaday dhulkeena hooyo,gaar ahaan caasimada iyo xuduntii dalka.Waxaan ALLE uga baryaynaa inuuu Janadii fardawsa ku abaaliyo inta ku dhimatay , waxay ahaayeen shihiid ee Weyne godka ha u nuuro dhamaanteena Ilaahay samir saadiqa ha inaga siiyo.Hadaba anagoo la qabna reer somaliland tiiraanyada iyo naxdinta ka dhalatay weerarkaa fulaynimada ah, waxaan hakan ugu soo gudbinaynaaa talooyin shacabka:TALO KU SOCOTA SHACABKA:Shacabka somaliland waxaan si niyad sami leh uga codsanaynaainay ilaashadaan oo meel uga soo wada jeedaan midnimadooda ,

nabadgelyadoodaiyo isku duubnidooda,weerarkani ha noqdo kii ina midayn lahaa maanta dhamaanteen muxaafid iyo mucaarid,aynu iska dhigno meeel kala duwanaanshaha siyaasadeed ee inoo dhaxeeya, oo difaaca qaranka meel aan uga soo wada jeedsano inagoo mid ah.Waxa maanta ina hortaala arin QARAN oo u baahan talo iyo tabaabushe midaysan, Indho gaara ha loo yeesho kuwa inagu dhex jira ee cadawgeena ah iyo kuwa inala dhashay ee gacanta siinayaba iyadoo taa macnaheedu ahayn ajaanibka ha la caydhiyo,waa in shacabku gacan ka siiyaan ciidamada nabad sugida wixii khal khal wada ciduu doono ha ahaado’e, waa inaynu ilaalino dhammaanba dadka inoo martida ah muslim iyo gaalba si loo aamino dalkeena.Waa in shacabku muujiyaa adkaysigii waayo calool adayg waa alle wehelkii, caalamka aynu tusno inaynu ka nahay dad weeraradan oo kale aaan waxba u noqon karin oo ka gacan sarayn kara kuwa argagisada ah ee mujrimiinta ah.  TALO KU SOCOTA XUKUUMADA,GOLAYAASHA IYO AXSAABTA:Maanta waxa aynu ku jirnaa xaalad dagaal “UNDER ATTACK”,

waxa looga fadhiyaa xukuumada inay ugu horayn ciidamada nabad sugida iyo kuwa qalabka sidaba ay hawlgaliso si looga hortago in falal kale oo argagaxiso dhacaan,waayo waxa hore loo yidhi “NEVER UNDERESTIMATE YOUR ENEMY”, waligaa ha yaraysan cadawgaaga, waaa in xukuumadu ay ururisaa oo shirisaa dadka talada dalka la leh ee ay ugu horeeyaan axsaabata iyo golayaasha qaranka sidoo kale madaxdhaqameedka, waa maalintii talada la mushaarakayn lahaa si loo badbaadiyo inta badqabta. Intaa waxaa xukuuumada aan ugu dari lahayn inay ka fiirsato talaabooyinka ay ku dhaqaaqayso sidoo kale ay u igmato cid caalamka iyo saxaafada u soo bandhigta siday wax u dhaceen iyo halka uu marayo raad raacooduba.Golayaasha qaranka(wakiilada+guurtida)iyo axsaabta(udub+ucid+kulmiye)waxaan u soo jeedinaynaa inay meel iska dhigaan arimaha yaryar ee gudahooda oo ay miiska isugu yimaadaan arinkana talo midaysan ka yeeshaan, waa in cadawga aad tustaan inaydaan ka hadhayn ee aad daba socotaaan.Madaxda axsaabta mucaaridku waa inay la garabistaagaan xukuumada iyo ciidamada qalabka sidaba arin iyo aduunba si at least loo baajiyo weeraro kale oo qabsooma, gacantana loogu soo dhigi lahaa kuwii ina cawaray . Waxa ururka ardayda somaliland ee Bangaladhesh uu ka codsanayaa caaalam

ka guud ahaan in gacan laga gaysto xukuumada somaliland sidii ay u soo qaban lahayd kuwii weerarka bahalnimada ah geystay. Waxaanu ku soo gebabaynanaaa dhambaalkayagan in qof kasta oo s/lander ahi uu u duceeyo inta dhimatay inuu alle u fidiyo naxariistiisa balaadhan,ALLENA soo qabto dhagarqabayaashii falka argagixiso geystay, waxaanau ku soo xidhaynaa dhambaalkayagan hadaladii iyo midhihii uu TIMACADE ka tegay:HASHAAN GU’YAAL IYO GU’YAAL GURAYAY RAADKEEDA…..HASHAAN GAADAWEYNOW LIBAAX UGA GABOONWAAYAYINAAN GORAYA CAWL UGA TAGAA WAA WAX SOO GUDHAYE………….

 

C/risaaq Yuusuf Cadaani
Islamic University Of Technology (IUT)
DHAKA,BANGALDESH

.cadaani05@hotmail.com