Riyaad-(Lug)-Wakiilka SomaliLand u fadhiya dalkan boqortooyada Sucuudiga Axmad Maxamad Siciid iyo guddoomiyaha jaaliyadda reer Djibouti ee deggan dalkan Ayman Xuseen Dagaal
Ayaa shir jaraa`id oo ay si wada jir ah u qabteen ku muujiyey dareenkooda ku aaddan qaraxyadii dhawaan ka dhacay magaalada Hargeysa, iyaga oo halkaasi ka tacsiyeeyay dulahaanba reer Somali Land iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku naf waayay qaraxyadaasi, shirkuna waxa uu xalayto ka dhacay magaaladan Riyaad ee xarunta Sucuudiga.

Ayman Xuseen Dagaal iyo Axmad Maxamad Siciid
Wakiilka Somali Land u jooga Sucuudiga Axmad Maxamad Siciid ayaa sheeegay ugu horreyn inuu aad uga xunyahay islamarkaana canbaareeyey qaraxyadii khatarta badnaa ee laga Fuliyey Hargeysa, waxaanan tacsi ay murugo iyo naxdini ku dheehantahay u dirayaa buu yihdi (madaxwaynaha Somali Land Mud.Daahir Rayaale Kaahin, ku xigeenkiisa Mud.Axmad Yusuf Yaasiin,golayaasha wasaaradaha , guurtida iyo wakiillada, 3da xisbi qaran, ciidamada qalabka sida iyo guudahaan shacab waynaha reer Somali Land iyo waliba gaarahaan qoysaskii ay ka tegeen dadkii ku shahiidey qaraxyadii Hargeysa ka dhacey), wuxuuna ilaahay uga baryey inuu ka waraabiyo naxariistiisa ballaadhan. Axmad waxa uu shacbka reer Somali Land kula dardaarmey inay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta nabad gelyada iyo dagenaanshaha “uu dalkoodu ku caanbaxay” .

mar aannu Axmad weydiinney cidda uu isleeyahay wey ka danbeysay qaraxyadii Hargeysa ka dhacey, ayaa waxa uu ka meereystey inuu cid gaar ah magcaabo, wuxuuna ku gaabsadey inay xukuumadda dalkiisu haatan ku raad joogto danbiilayaashii geystey falkaasi,mana rabo buu yidhi inaan ka hor dhaco natiijooyinka ka soo bixi doona baadhitaannadaasi. inkasta oo uuna Axmad si gaar ah dhinac cayiman farta ugu fiiqin, haddana waxa uu sheegey in cadawga Somali Land ee gudaha iyo dibadduba u tafa xayteen sidii ay u burburin lahaayeen jiritaanka iyo qarannimada Somali Land, oo uu caalamku dhegaha u furey aqoonsigeda wakhtigan xaadirka ah. Sida la ogyahay reer Somali Land ayaa dhibaatooyin iyo rafaad qaraxyo ka badan u soo maray dhidabo u taagiddii qaranimadooda, sidaasna waxa yidhi wakiilka Somali Land u jooga dalkan Sucuudiga Axmad Maxamad Siciid, oo hoos ka xarriiqey inayna falalka noocan ahi waxba ka baddeli doonin geeddi Socodka Somali land.
Dhinac kale guddoomiyaha jaaliyadda reer Djibouti ee dalkan Sucuudiga Ayman Xuseen Dagaal ayaa isaga oo ku hadlaya magaca dadwaynaha reer Djibouti ee daggan dalkan sheegey inuu aad uga xunyahay dhibaatooyinka nabadda iyo degenaanshaha ka dhanka ah ee ka dhacey Somali Land ee sobobey dhimashada iyo dhaawaca , wuxaaanan si naxdin leh u tacsiyeynayaa buu yidhi dadwanaha aannu walaalaha iyo dariska nahay ee reer Somali Land, iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii aan waxba galabsan ee ku geeriyoodey qareaxyadaasi, wuxuuna Xuseen kula dardaarmey reer Somali Land inay ku fara adeygaan nabadda iyo daganaanshahooda .

Sidoo kale kulankan waxa ka soo qayb gelay odayo dhaqmeedyo ay hor kacayeen Sul.Xasan Nuur Kooshin, Siciid Faatax (Siciid Boon) ,ninka la yidhaa Cali Talyaani iyo Maxamad Cali Sheer oo dhammaantood si kulul u canbaareeyay qaraxyadii dorraad ka dhacey Hargeysa.
Zakaria Hussein
Lughaya News-Riyaad


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wakiilka S.Land U Fadhiya Riyaad Iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Reer Dj. Ee Sucuudiga Oo S.Land Ka Tacsiyeynaya Qaraxyadii Hargeysa "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback