picture_337.jpgAllaybaday-(Lug)-Allaybaday ayaa waxa lagu qabtay Isku soobax balaadhan oo lagu cambaaraynaayay  qaraxyadii shalay lala beegsaday Madaxtooyada JSL, Xarunta Qaramada midoobay ee UNDP iyo Safaarada itoobiya ee Hargaysa.

Isku soobaaxsi ay dadku ku muujinayeen  sidda ay uga xun yihiin falalkii foosha xumaa ee ismiidaaminta ahaa, ayaa waxa ay dadku isoo bax ka dhigeen Faagaaraha Xoriyada ee Mujaahid Maxamed Ali ee Magaalad Allaybaday. dadkaasi oo ay shucuurtooda ka muuqatay Murugo iyo Cadho farabadani  ayaa  waxa dadkaasi hadalo uga jeediyay halkaasi  Masuuliyeen ay ka mid ahaayeen Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Gabiley C/risaq sh Aadan, Gudoomiyaha Degmada Xasan Cabdi Cali, Madaxa waxbarashada Degmada Allaybaday Maxamed Aadan Daauud, Suldaan Maxamed Daahir, Cuqaal, Culimo aw Diin iyo Odayaal.
picture_337.jpg

Ugu horayn halkaasi waxa ka hadlay Sh. C/laahi Muxumed Xuseen( Sh C/laahi aw Gaab) waxaanu halkiisii ku bilaabay oo yidhi  waxa halkan aan isugu soo baxnay falkii foosha xumaa ee ka dhacay Magaala Madaxdeenii hargaysa  isaga oo yidhi dadkaasi waa dad ka xun horumarka iyo masiirka Somaaliland gaadhay,waxaaanu sheekhu sheegay  oo yidhi nafta ku geeriyootay falkaasi ilaahaybaa kulaa balse dhagar qabaa  ku dhagaroobay oo ku galaaya Naar kumana  taalo  diinta Islaamka dad nabad qaba oo Islaama oo  dagan in dhexdooda laga  sameeyo fitan kumana banaan diinta   Islaamaka, waxaanu sheegay  in dadkaasi ayna u dagaalmaynin diin balse ay fulinayaan umado kale dantood, waxaanu halkaasii ku soo koobay oo yidhi ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo dadkaasi ku geeriyooday falkaasi,waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Caaqil Axmed Aadan  Cagay waxaanu  halkiisii ku bilaabay oo yidhi waxa ka dhacay Magaala Madaxdeena Hargaysa aad baan uga xumahay waxaanan ka tacsiyaynayaa dhamaan shacabwaynaha JSL  isaga oo yidhi  ninka Hargaysa u cadow ahi  adna waa kuu cadow ninka  raga u cadow ahi Dumarkana waa u cadow, ninka wadanka u cadow ahina dhamaanteen waa inoo cadow ee aan iska ilaalino oo aan dhan ugasoo wada jeedsano.
picture_348.jpg

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Maxamed Aadan oo ah Madaxa waxbarasha Degmada isaga oo sheegay in uu aad uga xun yahay falkii argagixiso ee ka dhacay Hargaysa isaga oo yidhi waxa cadowga Somaliland rabaa in uu ku waxyeeleeyo horumarka uu ku talaabsaday dalkani, waxaanu yidhi waxa aan dadka ku baraarujinayaa in ildheer looyeesho cadowga Somaliland ugu danbayntii waxa  uu ka tacsiyeeyay guud ahaan dalka JSL iyo eheladii ay qaraabadoodu ku geeriyootay falkaasi.

Waxa kale oo  halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gabiley C/risaaq sh adan  iyo Suldaan Maxamed Daahir oo labadooduba si kulul u dhaleeceeyay falalkii  aragagixiso ee ka dhacay Hargaysa iyaga oo siddoo kale guud ahaanba ka tacsiyeeyay shicibwaynahay JSL.

Ugu danbayntii waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Xasan Cabdi Cali  oo hadalkiisii ku bilaabay oo yidhi waxa aan halkan isugu nimid in aan cambaarayno wixii shalay ka dhacay Magaalada hargaysa waxa  kale oo aan halkan ka tacsiyaynaynaa dadwaynaha JSL iyo dadkii ay dadkoodu wax kunoqdeen ama ku geeriyoodeen, waxa kale oo uu yidhi waxa aan dadwaynaha reer Allaybaday ku borinayaa in ay nala shaqeeyaan oo ay soo sheegaan cid kasta oo aad  ka shakidaan indhihiinana kor u qaada waxa kale oo uu yidhi waxa aan rajaynayaa in wakhti aan fogayn in la shaacin doono dadka falkaasi ku kacay, waxa kale oo uu yidhi degmada Allaybaday waa degmo balaadhan oo heegan ugu jirta siddii ay cadawga somaliland  uga hortagi lahayd s waxayna shicibwaynaha Allaybaday ay guryaheeda iyo meheradahoodaba  uga soo baxeen  waxa weeyaan cadhada ay u qabaan cadowgooga iyo tiiraanyada  ay ka tiiraayaysan yihiin faldanbiyeedkii ka dhacay Magaalada Madaxa JSL. Waxaanu yidhi waxa aan aad iyo aad u cambaaraynaa falkaasi argagiso ee ka dhacay Hargaysa waxaanu yidhi waxa aan marlabaad ka tacsiyaynayaa qoysaskii iyo qaraabadii  ay dadkoodu ku dhinteen falkaasi waxaanan leeyahay ilaahay samir iyo iimaan ha inagasiiyo iyagana naxariistii jano ilaahay kaga waraabiyo, ugu danbayntii waxa uu shicibka somaliland usoo jeediyay gudo iyo dibadba in ay isbarbartaagaan ciidanka qaranka iyo booliskaba 


picture_094.jpgWariyaha Uhwa :-
Ismail Abdi Muxumed (Hilqad)
Degmada Alllaybaday Somaliland
Hilqadm@Hotmail.Com