Minnesota-(Lug)-Waxanu haddii aanu nahay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Minnesota Halkan ka cambaaraynaynaa falkii axmaqnimda ahaa ee argagaxisadu ka fulisay magaalada Hargeysa.
maalintii Arbacadii ee bisha October ahayd 29-ka. Waxa falkaasi ahaa mid xaaraan ka ah shareecadda diinta Islaamka. Waxa uu ahaa fal waxashnimo ah oo loogu tala galay in lagu majaxaabiyo qaranimada Somaaliland. Waxanu dhawaaq dheer ugu sheegaynay dadkii waxan soo abaabulay inaanay dib dambe ugu suuroobi doonin inay ku najaxaan falkan oo kale oo gacan bir ah lagu qaban doono. Waxanu gudo iyo debedba dhaamantayo nahay heegan aan seexanayn, mana dhici doonto inaad dhulkayaga iyo dadkayaga waxan oo kale dib ugu samaysaan.
Waxanu anagoo ka tiiraanyeysan Tacsi u diryanaa Guud ahaan qaranka Somaliland, gaar ahaana eheladii iyo qaraabadii dadkii ku naf waayey ama ku waxyeeloobay falkaas. Ilaahay Samir iyo iimaan ha inaga siiyo
Waxan ku baraarujinaynaa shacabka Somaliland inay is garab taagaan ciidamada amniga lana soo socodsiiyaan cid allaale iyo ciddii ay uga shakiyaan inay falal noocan oo kale ah maleegayaan. Yaanay dhicin in guryaheena gabood dadkeena lagu xasuuqqo laga dhigto. Waa in gacmaha la is qabsado oo al isu taago ilaalinta naftiina iyo tan qaranimada Somaliland. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ,mar i dage alle ha dago labo jeer i dagese anaa is dagay, ogaada in dadkii waxan soo abaabulay kuwo kalena inala damacsanyihiin sidaa darteed waa in qof waliba heegan u noqdo sidii uu uilaalin lahaa dadkiisa iyo dalkiisa.
Hadii aanu nahay taageerayaasha Kulmiye ee Minnesota-na waxanu naf iyo maalba u huraynaa dagaal kasta oo lala gelayo cadowga Somaliland.
Somaliland Ha guulaysato Hana jabo Cadawgeedu
Guddiga Fulinta Xisbiga Kulmiye ee Minnesota
Abdillahi Bullaale
abullaale@yahoo.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Baaq Cambaarayn Falkii Argagaxisada-Xisbiga Kulmiye Ee Minnesota "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback