Markaan maansada daayay
Een dabooley albaabkii
Eraygay ka duxaayay

Saw duul habaarani
Dagal kii masoo galin
Saw damac inkaar qaba
Oo diintu xaraan
Ay ku duugtey bari hore
Daakhil iilamuu iman
Daganaansho anoo
Ku caweeyay docdayda
Saw imuu durraynoo
Colaad diirka kama dhilin
Dunji xume cadaawuhu
Ma daneeyo wanaagoo
Dab kii uu hurinaayay
Haduu maanta la doontay
Damaleey hasheennii
In la daafacaa taal
Dacar aanu fileyan iyo
Loogu deeqo dhunkaal
Nabar aan dawoobayn
Xasuustiisa daynayn
Oo dabar kiisana gooya
Dar allee xaq u siinno
Anuu waan u digee
Haduu diiday samaanta
Middi baa lagu dooxi
Oo hilibkiisa dugaagu
Afka uu ka daboolan
Illayn waa dar nijaase
Dirxigu uu ku cashayni

Hadaan duubo warkaygoo
Dulucdayda tibaaxo
Waan u daali dalkayga
Oo difaaci dad kayga
Dhiigayga waan ugu daadin
Si xalaala dantayda

Ummaddii dulmigaasi
Daa’imoow ku nafwayday
Jannadii ku digsii
Xuural cayn ugu deeq
Intii dhaawac durreeyay
Rabbiyoow ka dabiib
Oo caafimaad ugu deeq
Yaa daahiru yaa baadinu
Ducadeenn ajiib.
Aamiin Aamiin Aamiin

Dr, Mohamed Musa Haji Farah
dr.geelle@hotmail.com