Tan iyo mudadii ay Hay’ada Unicef bilawday mashruuca biyo-gelinta Boorama oo ah mid laga dhigay mid gaar ah ayaa waxaa nasiib u yeeshay inay masuulka noqdaan ama hantaan maamulkiisa ,
Niman run ahaantii aan khibrad buuxda u lahayn habka maamulka & maaraynta biyaha oo ah Jeeblayaal inyar mooyaane .
Sidaa darteed ayaa maamulkii biyuhu noqday mid raadinaya macaash lacageed kaliya oo aan u danayn danta daweynaha marka laga reebo maalmihii u horeeyey oo ay socodka baranayeen,( Macnaha ay baranayeen habka wax loo lunsado ee macaashka aan xalaasha ahayn) .sida wararka xogogaalka ee naga soo gaadhaya dalkii ay sheeagayaan in la kordhiyey qiimihii biyaha ay ka qaadi jireen dadweynaha taasi oo ay ka dhigeen sidii ay iyagu urabeen .
Hadaba maanta oo ah waqti u daran dadweynaha Soomaaliland oo ah xili lagu jiro sicir barar aad u sareeya oo ku habsaday dadweynaha,ayaa iyagoo eegaya baahida lacageed kuna salaynaya macaashka dhiigmiiradka ee ay bilwalba kala qaybsadaan ayaa keentay in ay sameeyaan kordhin cusub oo lacageed iyagoon eegeyn baahida dadkooda iyo dalkoodaba.
Talo bixin
1. Waxaan madaxda dawlada aan u soo jeedinaynaa talo ahaan in ay hoos u eegaan dhibaatada lagu hayo dadweynahooda ee ay iyagu mas’uulka ka yihiin .
2. In loo diro gudi kormeerta soona hubisa waxna ka qabata mashaakiilka ay ku hayaan shirkada SHABA dadweynaha reer Boorama.
3. In aan loo raacin danta ay leeyihiin nimankaa ku mamay macaashka xaaraanta ah.
4. In hadii ay ku adkeystaan kordhintaas ay dadweynuhu xaq u leeyihiin in ay soo xushaan dadkale oo hanta hawshaas Biyaha Boorama.
Allaa Mahad Leh
1. Osman Abdillahi Hussein
2. Khadar Wacays Dahir
3. Muse Abdillahi Hassan
4. Fadumo Nur Mohamed
5. Ismail Dhurde Odey
UK. London.
kaamil96@yahoo.com
Fikrada Qoraagu Kama Turjumayso Aragtida Lughayanews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dhiigmiiradka Ay Shirkada Biyaha Ee SHABA Ku Hayso Dadweynaha Borama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback