Dhamaan waxaan maanta halkan ku xusi doonaa haduu rabi idmo  dood soo jireen ah oo ka dhex jirta bulshada soomaliyeed meel kasta oo ay joogto.

gaar ahaan hooyada iyo aabaha  in xaalkoodu  inta badan uu yahay  jaantaan rogan oo ay isku yihiin jiir iyo bisad taas waxaad ku dareemi kartaa hadii aad u fiirsato nolosha ay ku nool yihiin qoysaska Soomaliyeed ee ku dhaqan qurbaha.

Arkhrsite hadii aan dib ugu yar noqdo marka dhilinyaradu ku jirto shukaansi inta badan waxaad moodaa in  raga Soomaaliyeed ay aad iyo aad u tixgaliyaan arimahaa jacaylka oo ay ka xariifsan yihiin hablaha Soomaliyeed iyagoo adeegsanaya hadalo macmacaan iyo weedho ay ka muuqato dareen soo jiidasho leh ilaa iyo wakhti xaadirkan anigu wali waxaan u laayahay jawaab aan ka bixiyo sababtoo aah raga Soomaaliyeed ma iyagaa xun oo waxan ay marka hore ay la shir tagayaani aan ahayn waxa ka soo go’áy laabtooda oo ay tahay waxa ay niyada hablaha ku beer laxawsanayaan sababtoo ah sawkii markii hore lahaa macaanto , qalbi, gacaliso muxuu maanta oo ay tahay jacaylkiisii uu ka xushay kumaanan kun oo qof ugu quudhi laayahay kalmadihii oo hore u soo dhihi jiray iyo kuwa kale oo badan oo halkan lugu  xusi Karin.

Hadaad  u fiirsato qoysaska inta badan burbura waxaa burburkas sabab u ah waa rag oo aan iska saarin xilkii ay dumarkoodu ku lahaayeen taas waxaa kaaga daran in dumarku  inta qoysaskooda la sii joogaana ay ku nool yihiin arina ah dani ku baday oo ay waxa walba ugu samrayaan  caruurtooda oo ay mar hore ka quusteen ragoogii .
 
Fiiro gaar ah way jiraan qosas is jecel oo nolashoodiid ku dhamaystay farxad iyo rayrayn lakiin waxaa ka badan inta dhibaatadu dhextaalo
 

Khadar  Cabdi
Copenhagen
buraam85@hotmail.com