Hargeysa-(Lug)-Shebekeda wararka ee SDWO.COM qaybteed samafalka ayaa deeq lacageed oo dhan $1230 doolar gudoonsiisay reer ka kooban 8 qof oo dhamaantood curyaamiin ah.
oo ku dhaqan xaafad ka mid ah xaafadaha magalaada Hargeysa. Deeqdan kaalmada ahi waxay naga soo kala gaadhay qaar ka tirsan jaaliyadaha Somaliland ee dalal kala duwan oo kala ah waqooyiga magaalada London rag iyo dumar iskugu jira oo na soo gaadhsiiyey $620 doolar, urur samafala oo la yidhaah Horn of Africa Development Trust oo fadhigiisu yahay magaalada Manchester ee dalkan ingiriiska ayaa iyaguna na soo gaadhsiiyey $200 doolar, Nadif Cali oo ka wakiil ah jaaliyada Paris ee dalka Faransiiska ayaa isaguna na soo gaadhsiiyey $300 doolar, Ifrax Cali oo degan dalka Finland aya iyaduna na soo gaadhsiisay $60 doollar, Maxamed Nuur Axmed oo degan dalka Holland ayaa isaguna na soo gaadhsiiyey $50 doolar. Lacagtan ayaa waxa gudoonsiiyey Wakiilka SDWO ee Hargeysa Shiine Cilmi Kaahin.
Aabbaha Qoyska,Yuusuf Jaamac Cismaan
“Marka hore Ilaahay baa mahad leh, waxaan u mahad-naqayaa dadka Islaamka ah ee Sideedda qof ee iga laxaad la’ ee aan aniguna aanan waxba tari Karin oo aan da’ ahay. Rabbiga Carshiga iyo Kursiga sameeyay ee Rasuulkii Muxammed ahaa xaq ku soo diray, wax san iyo khayr in uu ugu bedelo oo uu Naarta kaga xoreeyo, Jannada ugu mannaysto ayaan u baryayaa oo aan u waydiinayaa. Waa sahay ay sii hor-marsadeen oo ay sii qaateen, anigana Dhibaato ayay iga fujiyeen iyo baahi wayn oo na haysay. Waxaan mar kale idiin mahad-naqayaa damqashada Islaamnimo ee aad iigu soo naxariisateen, Ilaahay naxariistii Janno ha idin siiyo. Ilaahay ha idinka abaal-mariyo oo labada Daarood ee adduunyo iyo Aakhiraba ha idiin wanaajiyo, Ilaahay Ubadka idinkama xumeeyo, Ilaahay Qoysaska idinkama xumeeyo, adduunyada Nimco ha idinku mannaysto, aakhirana Janno ha idin siiyo.” Sida waxa yidhi Aabbaha Qoyska oo markii aan lacagta Gudoonsiyay farax iyo Mahad naq nagala horyimid.
NB: Xog ku saabsan Qoyska:
Qoyskan oo ah Qoys danyar ah, waxay ka kooban yihiin Siddeed Ubad ah – Shan Wiil iyo saddex Gabdhood- iyo aabahood. Sideedda Ubad ah oo ay ugu yar tahay gabadh 9-jir ahi ayaa waxa si siman u haleelay Cudur kaga dhacay Laf-dhabarta, kaas oo naafeeyay, isla markaana ka dhigay kuwo aan kici Karin. Dhammaantood way guur-guurtaan, mana qabsan karaan hawl-maalmeedka qofnimo ee caadiga ah, naafada ay yihiin awgeed. Qoyskan oo Hooyadood dhimatay, ayaa ku nool Guri ka mid ah Guryaha Magaalada Hargeysa garahaan Xafada New Hargeysa. Ma jirto cid aan Ilaahay ahayn oo dhaqaale ahaan quudisaa. Aabbaha qoyskan dhalay oo ah oday da’ ah ayaa la kadeedan quudintooda.
Haddaba Gudoomiyaha SDWO Guled Cabdi Sheekhaash oo arinta samafalada SDWO ay baahiso faafaahin ka bixinayey ayaa sheegay in loo baahanyahay in qofba qofka ka jilicdasan uu u naxariisto si uu inagana ilaahay inoogu naxariisto. Gudoomiyahu isagoo hadalkiisa sii watana waxuu yidhi ma aaminsani qof qurbe joogaa inaanu bixinkarin $5 doolar oo sadaqo ah ee waxa inaga maqan wax wadaqabsadkii, iskaalmayntii, isku naxariisashadii, isaaminkii iyo inaan dib u eegno dadka inaga liita, oo hadii aad is tidhaah waad liidataa waxa haboon inaad eegto kuwa kaa sii liita oo aad ilaahay ugu mahadnaqdo. Dhinaca kale sida aan uga fakirayno inaan bangiyadeena lacag ku urursano ayaa loo baahanyahay inaan lacag sii dhigano bangiga aakhiro oo aan wax sii horey marsano. Gudoomiyahu wuxuu xusay inay lacagta qadarkeedu koobanyahay dadkii soo bixiyey aan waxba jeebkooda ka dhimidoonin laakiin dadkan u baahan ay waxweyn ka bedelidoonto nolashooda. Gebogebadii wuxuu gudoomiyahu dhamaan u mahadnaqay dadkii ka qaybqaatay ee bixiyey lacagtan aan gudoonsiinay reerkan, Gudoomiye Guled waxa kale oo mahadgaara gaadhsiinayaa dhamaan dadkii kala qaybqaatay iskukeenida iyo soo ururinta samafalkan, kooxda London oo kala ah Yusuf Caawiye, Cabdilaahi Ibraahin, Maxamed Cumar Meygaag iyo Cabdilaahi Abokor. Nadif Cali oo na soo gaadhsiiyey lacagta Paris, dhinaca magaalada Manchester - Gudoomiyaha ururka Horn of Africa Development Trust Mr Maxamed Diiriye iyo Abdi Suleyman - Mingiste, Ifraax Cali oo degan Finland iyo Maxamed Nuur Axmed oo degan dalka Holland.
Geogebadii Guled Cabdi Sheekhaash wuxuu yidhi, Waxaan hubaa dad badan oo ka dhego adaygay markii hore inay ka qaybqaataan samafalka inay markay arkaan cadadka lacagta ah ee la isku keenay iyo faraxada ka muuqata reerkan la gudoonsiiyey inay isku qoomamaynayan inuu ajarkaasi dhaafay, laakiin waxaan leeyahay tani idin dhaaftaye bal kuwa danbe uun ku tusaale qaata oo wax aakhiro sii horey marsada.
Jaaliyadaha Waqooyiga London iyo Paris ayaa horeyna uga qaybqaatay qaaylodhaanadii hore ee bishii ramadaan ee sdwo uu baahiyey anagoo dad danyar ahna lacagahaas hore gaadhsiiyey oo dhamayd $1240. Guud ahaan deeqaha samafal ee ilaa bishii ramdan lagu soo hagaajiyey SDWO ee gaadhay goobahii loogu talogay ayaa dhan $2470 doolar.
Shiine Cilmi
shiinenet@gmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wakiilka SDWO Ee Hargeysa Oo $1230 Dollar Gudoonsiiyey Reerkii Ka Koobnaa 8 Da Qof Ee Curyaamiinta Wada Ahaa. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback