Md.Badhasaab Degmooyinkii kale ee Gobolka Salel Maamuladoodii waa la magacaabay oo way jiraan, waa Maxay sobobta Dib u dhaca ku keentay Magacaabistii Maamulka Degmada Boon???
Borama-(Lug)-Badhasaabka gobolka Salal Cawaale Ismaaciil Xasan ayaa ku sii jeeda magaalada Hargeysa ay Lughayanews waraysi kula yeelatay Magaalada Borama , badhasaabku waxuu ka waramay howlaha kala duwan ee waxqabad ee ka socda degaanada Gobolkaasi, isagoo tilmaamay inay howshii ugu dambaysay ay ahayd Diiwaangalinta gobolada Awdal iyo Salal ka socotay taasi oo uu ku tilmaamay inay ahayd mid si fiican taasi oo ahayd si fiican uga hirgashay degaanadaasi arrintaasina ay ku timid sahanka bulshada oo ku qotomay qaadashada warqada dhalashada Somaliland iyo Kaadhka Diiwaangalinta.
Badhasaabka Gobolka Salel waxa uu cadeeyey in goobaha diiwaangalintu ka socotay oo aad ugu yaraa gobolkaasi awgeed aanay dadka intooda badani aanay diiwaangalinta wakhti u helin sabobtana uu ku tilmaamay inay jireen safaf dhaadheer oo wakhtiga iyo gacanta shaqaalaha goobaha diiwaangalinta ka shaqaynayay oo gacantoodu cuslayd.
Gudoomiyaha gobolka Salal oo ka jawaabayay su’aal ahayd dadkii abaarta daba dheeraatay ay wax yeelaysay ee usoo haajiray magaalooyinka sidee bay maanta tahay noloshoodu? Ayaa waxa uu isagoo arrimahaasi ka hadlay yidhi Abaartu dad badan ayay ka baro kicisay goobihii ay ku noolaayeen anaguna awood sidaasi u badan oo aanu wax xoogan ugu qabano ma jirin, laakiinse ilaahay baa roob u keenay oo degaanadii ay ka soo baro kaceen oo qaarkood ay ka mid ahaayeen Camuud Culus, Odawaa dari, Galbeedka Ceelgaal, Bariga Caasho-Cado iyo goobo kale oo ka tirsan degaanada gobolka Salel ayay dib laabteed noloshiidiina ay dib uga bilaabeen.
Badhasaabka Cawaale Ismaaciil Xasan mar uu ka jawaabayay maadaama uu yahay Badhasaab cusub gobolkuna cusub yahay maxaa qorshe waxqabad u haysaan oo lagu hormariyo gobolka Salal, waxuu carabka ku dhuftay inay imika ku talo inay dhawaan helaan Miisaaniyadii Gobolka loogu talo galay, waxaa kale oo Jamhuuriyada Jabuuti aanu iyagana ka sugaynaa Cagaf-cagafyo, Iskaragooyin iyo qalabkale oo wax lagaga qabto Wadooyinka rafka ah ee isku xidha degmooyinka Gobolka si ay u sahlanaato fududaynta adeegyada bulshada loo qabanayo, waxananu ku rajo waynahay inay si deg deg ah u bilaabmi doonaan howlahaasi.
Md.Badhasaab Degmooyinkii kale ee Gobolka Salel Maamuladoodii waa la magacaabay oo way jiraan waa Maxay sobobta Dib u dhaca ku keentay Magacaabistii Maamulka Degmada Boon??
Waxuu yidhi horta waa dhab oo degmooyinka Saylac, Xariirad iyo Garbo-dadar maamulkoodii way dhisan yihiin laakiinse khaladaad dhacay awgeed ayuu dib ugu dhacay in la magacaabo maamulka degmadaasi Boon , balse hadana faraha kalamaanu bixine sida ugu degdegsiimaha badan ayaa loo magacaabayaa waana arrimaha aan ugu socdo Hargeysa.
Waxaa kale oo uu Badhasaabku ka hadlay Ciyaartoyga gobolka Salel oo ciyaaro saaxiibtnimo la soo yeeshay gobolka Cali Sabiix ee Jamhuuriyada Djibouti oo xihdiidhka labada dal metalaya inuu sare u kiciyay lana filayay in kooxda kubada cagta ee Cali Sabiix ay iyaguna ciyaar saaxiibtinimo si ay ula yeeshaan u imanayay Gobolka Salel oo dib u dhac ku yimid, waxuuna farta ku fiiray in howlihii diiwaangalinta iyo roobab badan oo ka da’ay degaanka khasaarooyin badana u gaystay dhismayaal iyo Ceelashii milixda ee Toqashi iyo wadada isku xidha Saylac iyo Lowyacado ayaanu ku mashquulsanayn oo taasi ayaa dib u dhacday safarkaasi ay kooxda la socotay Cali sabiix ku iman lahaayeen degmada Saylac.
Laakiinse waxuu cadeeyey in Ciidal Odxa mar ay dhamaato ay imanayaan Kooxda Cali Sabiix si ciyaartu uga dhacdo Xarunta magaalo madaxda Gobolka Salel ee Saylac, waxaananu diyaarinay kooxdii kubada cagta ee ka qayb gali lahayd Tartanka ciyaaraha gobolka ee dalka Somaliland oo dhawaan la qabanayo balse waxuu sheegay inaanay imika diyaarin kooxo kubada laliska iyo Orodka iyo kubada Fooliga gobolkaasi aan wali la diyaarin.
Ugu dambayntii waxuu ka hadlay in degmooyinka intooda badani ee gobolka ka jiraa ay cusub yihiin oo dhawaan la wada magacaabay waana howl u baahan in la abuurto dhaqaale badan oo lagu maal galiyo waxaananu ku dadaalaynaa sidii dakhliga gobolka ee degmooyinkiisa aanu dakhli ugu soo saari lahayn nabadgalyada gobolkuna waa mid aad u saraysa oo aan dhibaato ka jirin.
Lughayanews
Borama office


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Waraysi Khaas Ah Oo Lughayanews La Yeelatay Badhasaabka G/Salal Cawaale Ismaaciil Xasan "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback