rashin017.jpgWaxaa dadweynaha dhamaan Degmada Allaybaday ay calaamo qoyan ku soo dhaween Rashiin iyo qalabkii waxbarashada ee keenay dhamaan Dugsiyada Degmada,

 Hadaba Dugsiyada sida rasmiga u helay mashruuca quudinta Ardayda sannada soo socda waxa aka mid ah :
rashin017.jpg

Hoose/Dhexe Sh. Ahmed Qalib, Allaybaday
Hoose Gees dheere
Hoose Geed-abeera
Hoose/Dhexe Xidhinta
Hoose Harcadaad
Hoose Taysa
Hoose Waalid Xoor
Hoose Diini gooble

rashin012.jpg

Magaalo kasta oo la keenay qalabka Raashinka lagu samaynaayo iyo Raashin labada bilood ee soo socda waxa loo sameeyay xalfado waaweyn oo lagu soo dhawaynaa. dhanka kale Ardaydaasi raashinka feedingka ah loo bilaabay ayaa ah kuwo aad ugu diirsaday raashiinkaasi, Raashiinkaasi ayaa wax wayn ka tari doona waxbarashada Deegaanadaasi iyada oo halkii uu markii hore ardaygu bilaa cunto dib ugu noqon jiray reerkooda uu imika dib ugu noqonaayo isaga oo sii cunteeyay.
rashin006.jpg

Dhinaca kale magaalo kasta oo caruurta cunto laga siinaayo waxaaa ka shaqaynaa ugu yaraan labo qof oo dumara.
rashin002.jpg

Hadaba waxaa dhamaan la ogowsinayaa Deeqbixiyaasha ururka dugsiga gacanta ku haya ee UHWA, gudo iyo dibad, in dhamaan dugsi kasta ay arday ay labo jeer libin laabin doonta, Taas oo ah in macalimiintu ay kordhi doonto, waa in diyaar garow weyn loo kalaa, sidaa waxaa yidhi Xoghaye UHWA Allaybaday Mr. Mohamed Haashi Cadur oo shalay kula kulmay isaga gormeer ku jooga dugsi ka mid dugsiyada magaalada Allaybaday.
rashin001.jpg

Waalidiinta, Ardayda iyo Macalimta Degmada Allaybaday waxay u diyaargaraabayaan arday oo aad u soo kordha, suaashu waxa weeyi Qurbo joogta iyo UHWA Hargeisa diyaar ma u yihiin in macalimtiinta la kordhiyo.
001rashin.jpg

Dhamaan dadweynaha Degmada Allaybaday waxay mahadnaq weyn u soo dirayaan dhamaan deeqbixiyasha UHWA Worldwide iyo Gudida Guud ee Hargeisa fadhigeedu yahay iyo waliba shakhsiyaada sida gaarka uga shaqeeya mashruucan Horemarinta Degmada, gaar ahaan kan raashinka lagu saaray.
004rashin.jpg
dsc04571.jpg
rashin004.jpg
rashin008.jpg
rashin015.jpg
rashin019.jpg

ut4.jpgWariyaha Uhwa :-
Ismail Abdi Muxumed (Hilqad)
Degmada Alllaybaday , Somaliland
Hilqadm@Hotmail.Com