Wargeyska Jamhuuriya oo sanad guuradiisii 17-aad xasayay maanta, waxa ay shahaado sharaf gudoonsiiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin.
Madaxweynuhu, hadal kooban oo uu munaasibadaasi shahaado sharafta kaga gudoomay Wargeyska Jamhuuriya ka jeediyay, waxa uu ugu mahad naqay Wargeyska iyo maamulayaashiisa garashada ay garteen in ay shahaado sharaf ay siiyaan.
“Waxa aan aad u rajaynayaa in horumar aad gaadhi doontaan , iyada oo aad tihiin Wargeyska ugu da’da weyn Wargeysyada ka soo baxa Somaliland, waxase aan idinku dar daarayaa in had iyo jeer aad noqotaan kuwo qoraalkiinu ku salaysan yahay Runta iyo xaqiiqada hadba jirta, waxaanan idiin rajaynayaa in aad noqotaan mustaqbalka Wargeys caalamiya oo adduunka meelo badan laga akhristo”.
Munasibadaasi oo ay ka soo qayb galeen Mulkiilayaasha, Maamulayaasha , Tifaftirayaasha iyo Weriyayaasha waxa ay shahaado sharafta ku qeexeen in uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu si sharaf leh u mutaystay hanaanka dimuqraadiyada, isaga oo ah Madaxweynihii ugu horeeyay ee doorasho xor iyo xalaal ah ka hir galiyay dalka.
Alla Mahad leh
Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wargeyska Jamhuuriya Oo Shahahaado Sharaf Gudoonsiiyay Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback