nadaf001.jpgAllaybaday-(Lug)-Waxa saaka laga bilaabay Magaalada Allaybaday hawl wado banayn ah taasi oo ay fulinteeda iska kaashadeen UHWA-ALLAYBADAY, D/Hoose  ee Allaybaday iyo Dadwaynaha Magaalada iska ururiyay lacagtaasi lagu fulinaayo hawshaasi.

nadaf001.jpg

Hadaba mar aan kula kulmay Gudoomiya UHWA-Allaybaday, Mr Maxamuud Yussuf  iyo Gudoomiye kuxigeenka Degmada Allaybaday Daahir Cabdi Jaamac goobta ay shaqadu ka socotay waxa aan waydiiyay su’aal ah hawshan aad wadaan waxa aad iska kaashateen gudida UHWA Allaybaday iyo Dadwaynaha Magaalada bal arintaasi kawaran sida aad ku bilowdeen? waxaanu igu yidhaahdeen markii aanu aragnay in baahi wayn loo qabo in marka hore biyahay magaalada laga weeciyo ayaanu shir la galay Odayaasha Magaalada kadibna waxaanu isla garanay Odayaashaasi in qaadhaan kasoo ururiyaan Magaalada anan aanu ku darno inta ay soo ururiyaan maahee wixii kale ee dhinma.
nadaf004.jpg

Waxa kale oo aan waydiiyay hawshani  ma waxa ay ku kooban tahay oo kaliya in aad biyaha Magaalada ka xidhaan  islamarkaana aad buuxisaan Meelihii ay Daadashii kal hore ay gododka ka qodeen mise waxa jira hawlo kale oo daba socda hawshan aad wadaan imika? Waxayna iigu jawaabeen, runtii waxa aanu bilownay maanta Hawshan aad arkayso oo ah saddex qaybood oo kala ah
nadaf002.jpg

1. In aanu marka hore sino wadooyinka Magaalada oo buuxino meelihii ay daadashu gododka ka sameeyeen.

2. In aanu magaalada biyo xidheen u samayno si aanay biyuhu magaalada usoo galin oo waligeedba magaaladu waxa ay lahaan jirtay maag biyaha ka qabta balse sanadihii u danbeeyay maagii ayaa baaba’ay oo biyihii ayaa magaalada soo galay taasi uu waxyeelo soo gaadhsiiyay guryo badan oo  magaalada ah,

3. In aanu cagaftan ku banaynaynaa oo dhulkii 5km ahaa ee danta guud ee magaalada markaasi hawshan aanu bilownay saddexdaa waji ayay isugu jirtaa.
nadaf006.jpg

Gudida UHWA-Allaybaday ayaa waayo aragnimo weyn u leh, ka warhaynta baahida iyo bilicday magaalada Allaybaday, waxay aad u yaqaan hab si fudud loogu ururiyo qadhaan danta guud lagu qabanaayo, waana waxqabadkii ugu horeeyay ee ka baxsan mashruuca waxbarashada ee ay la gaashadaan maamulka degmada Allaybaday, waan bilow fiican oo dadweynaha Degmadau aad u soo dhaween.

ut41.jpg
Wariyaha Uhwa:-
Ismail Abdi Muxumed (Hilqad)
Degmada Alllaybaday , Somaliland