Hargeysa-(Lug)-Fanaanada weyn ee Faadumo Cabdilaahi Kaahin [Maandeeq], ayaa saaka si balaadhan loogu soo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa,
waxaana soo dhaweynteeda ka qeyb galay Wasiirada caafimaadka, Qoyska, Wasiir Ku xigeenka Maaliyada, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB, Fanaaniin tiro badan iyo boqolaal dadweyne ah oo ka mid ah shacbiga maagaalada Hargeysa.
Fanaanadan oo ka soo kicitintay dalka Ingiriiska oo ay degan tahay, ayaa saxaafada ugu warantay qolka nasashada ee madaarka Hargeysa, waxaanay tidhi “Waxaan ilaahay inooga baryayaa inuu cadowga inaga dul qaado dalkeenii ayaa la qarxiyay ee waxaan ilaahay inooga rajaynayaa inaynu isku duubnaano.”
Marwo Maandeeq, waxay sheegtay inay tahay fanaanad qaran oo saddexda xisbi siyaasadeed ee Somaliland u siman yihiin, waxaanay aad ugu mahad naqday dadweynihii iyo madaxdii dawlada iyo xisbiga UDUB ee soo dhaweeyay.
“Aniga dareenka maanta igu jiraa waa dalkaygii oo cadow qarxiyay, Madaxweynaha Somaliland iyo Marwadiisu siday ii soo dhaweeyeen iyo xisbul xaakimka UDUB waan uga mahad naqayaa, waxaanan is ogaaday inaan maanta ahay dawlad. madaxda dambena ilaahay sidan oo kale ha inooga dhigo.”ayay tidhi Faanaanadu.
Faadumo Cabdilaahi waxay daboolka ka qaaday inay ka fadhiisatay Fankii ay mudada nus qarniga ka badan ay ku soo jirtay, waxaanay tidhi “Hooyo 7 sanadood masrax ismaan taagin, waxaan sitaa kitaabo quraan ah waxaan ku xisaabtamayaa weynaantayda, haddii aanan dhalinyaradii fankii uga bixin dhagax bay igu dilayaan, fanaaniintii iga yar yaraa Khadra Daahir Cige, masaajidka kama baxdo, Faadumo Haldhaa Masaajidka kama baxo oo weliba way xijaaban tahay iyadu oo ay na dheer tahay, Samriye iyo Hibo Maxamed-na masaajidka kama baxaan, markaa haddii aanaan masaajidka gelin waa mushkilad.”
“Fanku wuu na niyad jabiyay askariga maanta labada alif leh ayaa todobaadyo dhan taariikhdiisa la wadaa, annaga odayaashii fanku meeye Timo Cadde mee? Cali Xuseen Mee? Guroon Jire Mee Cabdi Iidaan Mee?, Guduudo Carwo Curyaamad weeyaan oo sariir ayaa 11 sanadood kaadida lagaga qaadaa Hargeysa cidi ma oga, markaa maxaan fanka ku sii joogaa, ilaa 1960-kii ayaan taagnaa fanka oo ku jiray”Ayay intaas ku dartay Marwo Maandeeq.
Fanaanada oo la weydiiyay siday u aragto in qaar ka mid ah Heesaheedii ay fanaaniin yar yari dib u qaadaan waxaanay tidhi “Waanu u fasaxnay oo waxaanu nidhi waxay ka helayaan ha ka helaan ha ku qaataan.”
Fanaanadaasi oo ka soo kicitintay dalka Ingiriiska waxay ammaan u soo jeedisay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo ay tilmaantay inay aad u jecel yihiin shacbiga Somaliland oo uu taageero weyn u fidiyay markii Somaliland la qarxiyay.
Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, Md. Maxamed Ismaaciil Bulaale, ayaa isaguna hadal kooban ka jeediyay soo dhaweynta fanaanada weyn ee Faadumo Cabdilaahi Kaahin [Maandeeq], waxaanu yidhi “Waxaanu soo dhaweynaynaa oo aanu halkan u nimid oo sharafta ay leedahay iyo qiimaheeda halkan madaarka ugu soo baxay Faadumo Cabdilaahi Kaahin [Maandeeq] oo ah boqoradii Codka Jamhuuriyada Somaliland, waxaanan kugu soo dhawaynaynaa dalkaagii aad halganka dheer u soo martay iyo dadkaagii aad tacabka lama ilaawaanka ah ku lahayd, ayaa ku soo dhawaynaya.”
“Dadkan ku soo dhawaynayaa oo kuu soo baxay xisbigaagii UDUB, ee aad socdaalka kaga maqnayd” Ayuu intaas raaciyay Md. Bulaale. Dhinaca kale, waxaa fanaanadaasi ka qeyb galay soo dhawaynteedii fanaaniin iyo hal abuuryo tiro badan, waxaana loo galbiyay gurigeeda Magaalada Hargeysa.
Ramaasnews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Fanaanada Caanka Ah Ee Faadumo Cabdilaahi Kaahin [Maandeeq] Oo Maanta Si Layaab Leh Loogu Soo Dhaweeyay Madaarka Haregeysa. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback