20081127050702attacker2031.jpgTiro dad ah oo lagu heystay laba hotel oo ku yaala magaalada Mumbai ayaa laga sii daayay ragga hubeysan ee weerarada ku qaaday magaaladaasi, sida ay sheegeen dad goob joog ah.

Laakiin wali xaaladda hotelka Taj Mahal ayaa jahawareer uu ka taagan yahay, iyadoo dhawaaqa rasaasta iyo qaraxyo laga maqlayo hotelka gudihiisa.  Taliyaha booliiska ayaa sheegay in la aaminsan yahay in dableydu weli ay dad heystaan hotelka Oberoi Tridentl.  Weerarada oo bilowday Arbacadii ayaa waxa ku dhintay 101, iyadoo ay ku dhaawacmeen 287 qof.

Magaalada dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga xudunta u ah India ee Mumbai ayaa markale waxa ay u noqotay mid u nugul kooxaha doonaya inay degenaansho la’aan ka abuuraan oo ay weeraro xoog leh ku qaadaan halkaasi.

Sanadkii 2006 waxa bartilmaameedku ahaa dadka ganacsada ee Mumbai markii weeraro isku xigay oo qorsheysan laguq aaday goobaha laga raaco tareenada iyo kaasi oo ay ku dhinteen dad ku dhaw 200 qof, mar kale ayaa weeraradan waxaa lagu qaaday Mombai iyadoo xilligan uu ka gedisan yahay qaabkii ay isticmaaleen kooxaha weerarka soo qaadaya, oo qaab militeri markan isticmaalay.

Iyagoo baadi goob ugu jiray dadka ajnabiga ah, isla markaana dadka qaar nolosha ku qabsaday. Kooxaha dableyda aha waxaa ku jiray qaar la soo xiriiray telefishin oo ku baaqay in la sii daayo, kuwo saaxiibadooda islaamiyiinta mayalka adag ah oo ku xiran India.  Laakiin weli lama oga in sheegashada kooxda Deccan Mujahadeen inay mas’uul ka ahaayeen weeraradan ay tahay mid run ah iyo in kale.

Deccan waa qeyb ka tirsan koonfurta India, waxaana jira warar sheegaya in ay isugu yeereen inay ay yihiin Mujahidiinta Inda. Kuwaasi oo la sheegayo inay sheegteen inay mas’uul ka ahaayeen weeraradii ugu danbeeyay ee lagu qaaday goobaha dadka Rayidka ah ee waddankaasi India.

Waxaa la yaabaa inay isku soo beegmeen weeraradan iyadoo ay dhacayeen doorashooyinkii gobolada oo ay ku jiraan kuwa gobolka Kashmir.

Bbc Somali