20081029134218madaxtoyada.jpgHargeysa-(Lug)-Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil (Cirro), ayaa sheegay maanta in qaraxyadii ka dhacay Magasalada Hargeysa ay fuliyeen lix nin oo shani ay tahay reer koonfur midina uu ahaa nin u dhashay Somaliland.

Wasiirku wuxuu shegay in qaraxyada iyo dilal hor Somaliland uga dhacay ay ka dambeeyeen Alshabaab, oo ka mid ah ururada Maraykanku u yaqaano Argagixisada., waxaanu yidhi “waxa ka mid ah dhacdooyinkii ay ka fuliyeen Somalilandlacagtii lagu dhacay degmada Wajaale 22/11/2003 oo ahayd hal Bilyan iyo Afar boqol oo milyan oo lacagta Ethiopia waxa kale oo jiray dilkii gabadh Kenya u dhalatay oo lagu dialay wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbeta 00 ahaa 19/03/2004, waxa iyana jirtay Miino aad u faro badnayn oo lagu qabtay magaalada Hargeysa 27/04/2006, waxa ku xigtay howlgal aad u balaadhnaa oo la doonayay in lagu dilo dadkii goobjoogayaashii Ajanabiga ahaa doorashadii Golaha Wakiilada waxana falkaasi ka madax ahaa Axmed Cabdi Godane, xiligaasi ayuuna Somailand ka baxsaday .”

Wasirku wuxuu intaasi ku daray dhawr iyo toban qof oo ay hayaan dhawaan hor geyn doonaan maxkamada Somaliland si talaabo sharci ah looga qaado

Md. Cirro muu sheegin magacyada dadkii ku dhintay ee fuliyay hawlgaladii qaraxyadii lagu qaaday xarunta Madaxtooyada Somaliland, Safaarada Itoobiya iyo UNDP Hargeysa Branch, wasiirku shacbiga Somaliland ugu baaqay inay ogaadaan in cadowgooda kowaad yahay Al-shabaab, waxaanu carabaabay inay qaraxyadan soo abaabuleen Axmed Cabdi Godane, Mukhtaar Roobow iyo Ibraahim Jaamac Meecaad.

Lughayanews
Hargeysa Office