Maansadan Dhiig-yacab waxaay soo baxday 29/10/2008 waxaana curiyay abwaan Mahamed Osman Budin isagoo jooga magaalada Boorama ee gobalka Awdal wuxuna ka tiriy qaraxyadii waxashnimada ahaa ee ay argagixisadu ka fuliyeen magaala madaxda Somaliland ee Hargaysa ee loo gaystay madaxtooyada, safaarada Ethiopia ay ku leedahay jamhuuriyada Somaliland iyo hay’ada UNDP ee xarunteedu ahayd magaalada Hargaysa.
Abwaanka oo maanso ku cabiraya waxa dhacay ayaa waxa uu yidhi:
Adigoo khasaare ah
Maxay dhagari qabataa?
Ninka quustay waligii
Qalbi samo ma yeeshaa?
Xasad qurux ma leeyahay?
Nin damiirku qalanyahay
Tawxiid ma qaataa?
Qabri nimuu sugaayaa
Dhagar ma u qushuucaa?
Qofka ehlu naarka ah
Jano ma u qalmaayaa?
Nin qalbigu madaw yahay
Ma nacaa qudh gooyada?
Ninka qawlka nabigiyo
Dhadhansada quraanka
Siirada qudhqudhiya
Kufri ma isku quudhaa?
Qiso weeyi yaab lehe
Xaajadu qaribanaa
Qotadeedu dheeraa
Qacda naburku waynaa
Gardaradu qadhaadhaa
Waxash qaayo daranaa
Dhibtu qawdhadh daranaa
Dhiigani qulqulayaa
Boqontayda qooyiyo
Qoon xaasid kululaa
Ninka lagu qadhaabtee
Dadnimada ka quustee
Ii gaystay qaraxyada
Qalbigiisu adagaa
Ninka hawdka qodaxda leh
Qasad xumo u joogee
Ka qoqoban wanaagiyo
Qiimaha naflaydee
Buuraha qotada dheer
Qudhgooyada u fuulee
Hadba ruuxa uu qalo
Hilibkiisa quutee
Qaangaadhka soo diray
Qudha inay ku waayaan
Qiso aanan haboonayn
Qabrigiisu kululaa
Gucashadu qadhaadhaa
Qardabadu hig dheeraa
Qoon xaasid kululaa
Fulay quus madoobaa
Nolol quudhi waa iyo
Qaran dumiye badanaa
Nacas qiiro daranaa
Maan gaab qaribanaa
Nacas talo qudhmuunaa
Waa qurux damiirkuye
Markuu quusto aadmigu
Waa sida qansiirkiyo
Xaaraan quduucoo
Ma qadariyo noloshee
Ninka qalad wax moodee
Qiimaha aan leeyahay
Ii quudhi waayee
Qiiqa iigu shidaayee
Qaraxyada badheedhka ah
Soo qaaday maantaw
Qawl waxaan ku leeyahay
Aduun baa qasaaroo
Dhagar qaayo moodee
Qorshe doqon maleegiyo
Qabqab iyo ismoodsiis
Qarankaygu kuma dumo
Qasrigaygu waa dahab
Bulsho qaaliyaan ahay
La qadariyo baan ahay
Isku qawl ah baan ahay
Dad lakala qadhaabtoo
Kolba qayb la laayiyo
Daldalool ma qaalibo
Shacabkaygu qadafkiyo
Ma yaqaan qulqulatada
In lakala qorqooroo
Banbo loogu qariyiyo
Ma gayaan qunbucashada
Shacabkaygu qadafkiyo
Ma yaqaan qulqulatada
Qof ahaana fiirada
Marka hawshu qalantahay
Qalbigoodu xaajada
Sida kaagan quusta ah
Ta xun kuma qamaamoo
Shilimaan ma qaatoo
Dhiig kuma qubaystoo
Dhagar uma qushuucee
Nolashay qadariyaan
Shacabkaygu qadafkiyo
Ma yaqaan qulqulatada
Kuwan qaraxa gaystow
Dad qadhaabtayaalyahow
Qoor gooyayaalyahow
Shilin qaatayaalyahow
Qarbri buuxshe yaalyahow
Qalad fuliyayaalyahow
Qaran dumiyayaalyahow
Qarax iyo rasaasayn
Qiil moodayaalyahow
Qawlkiyo afgarsashda
Qol ku oodanyaalyahaw
Wax kastoo qasare ah
Qurux moodayaalyahow
Nin quraanka jecel oo
Siirada qudhqudhiyaa
Ka qawada xumaantoo
Iimaanka qaatee
Laga quustayaalyahow
Qawlkaygu wuxuu yahay
Qalbigiina madhanbaa
Talo qudhuntay keenaye
Qarankayga lamahuraan
Sidaad wax u qorshayseen
Qalaase kuma jabo
Maalinta qadhaadhkana
Qalwo dumar yagleeliyo
Hadaad mooday qolofdiin
Qalcadayda lama karo
Wadankaygu waa qani
Waxaa qayb ku leeyahay
Baal qiime badanoo
Waxaan ku qoronahay
Tartan qaaradeekiyo
Qaramada midoobay
Waxaan dad qudha nahay
Qaramada aduunkee
Midnimada qorshaystoo
Qumanaan dastuur iyo
Qalinkiyo waxbarashada
Wax kastoo qurxoon iyo
Qawlkiyo afgarashada
Waa lay I qadariyaa
Ninkan qaraxa gaystoo
Ma ogolid qudhgooyada
Inaad noqoto qurub qurub
Isku qaadi mayside
Dhalinyarada qaanka ah
Waadigan qaldaayee
Qiirada ku beeree
Dhagartiyo qudhgooyada
Dadkan aad qalaysaan
Danbiyada qisaasta leh
Ifka qaadi mayside
Qanci maysid jeeroo
Qabri lagugu dumiyoo
Jahanaba ku qiiqdee
Waa inoo qiyaamaha
XUQUUQDA DAABICIDA MAANSADANI WAXAY U SUGNAATAY SHABAKADA LUGHAYANEWS


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " DHIIG YACAB "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback