Aniga oo ah Cumar Maxamed Faarax kana mid ah suxifiyiinta Somaliland, isla markaana ah wakiilka shabakada Ramaasnews.com ee Somaliland,
waxan si weyn u cambaareynayaa war been abuur ah, isla lagu magac dilayo sharaftayga shakhsi maantana ku soo baxay Website-ka Waagacusub.
Warkaas Waaga cusub qorey waa been abuur aan sal iyo raadtoona lahayn, waxaanan ka codsanayaa ururada saxaafada iyo xukuumada Somaliland in maamulka waagacusub ay igala qeyb qaataan sidii sharciga loo horkeeni lahaa.
Maaha markii ugu horeysa ee shabakadani war been abuur iyo magac dil qaawan ah ku sameyso suxufiyiinta Somaliland, waxaana uu ahaa kii ugu dambeeyey been abuurkii ay ku sameeyeen e-mailka Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Mustafe Cabdi Ciise (Shiine).
Ugu dambeyntii waxan ka dalbanayaa shebakadan waagacusub caddeyn ku saabsan warkan ay ku qortay macageyga.
Allaa Mahad Leh
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa-Somaliland
Halkan ka arkhri warka Beenta ah ee ay qortay Shabakada Waaga Cusub
http://www.waagacusub.com/news/29.11.08.1.htm


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Beenin Iyo Cambaareyn War Been Abuur Ah Oo Ku Soo Baxay Shabakada Waaga Cusub Warkaas Oo Sheegaya “Shabaabka Oo U Jawaabay Somaliland.” "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback