aden.jpgSanca-(Lug)-Waxa maanta si weyn loga xusayaa magaalada Cadan ee ugu wayn gobolada koonfureed ee dalka Yemen sannadguuradii 41aad ee kasoo wareegtay markii dawladii Yementa koonfureed xornimadii kaqaadatay gumaystihii Ingiriiska,

Xafladaasoo si heer sare ah loosoo agaasimay  ayaa waxa hormood ah ka ah madaxweyana dalka Yemen Md,Cali Cabdallah Saalax oo lafilayo inuu khudbad aad umihiim ah kajeediyo goobtaas sidoo kale waxa xafladda sannadkan lagu martiqaaday madax aad ufarabadan oo kala yimid wadamada Carabta iyo Afrika waxana kamid ah Madaxwaynaha  Jamhuuriyada Jabbuuti Md.Ismaaciil Cumar  Geelle
 
Kasokow madaxda waxa iyaguna goobta ku sugan laguna marti qaaday weriyayaal kakala socda warbaahinta dalka Yemen, kuwa carabta iyo kuwa waddamada reer galbeedka qaarkood  iyo dhammaanba safiirada waddamada shisheeye u fadhiya dalka Yemen dadweyne aad ufarabadan oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maax sare oo katirsan baarlamanka iyo xukuumadda dalka Yemen.

Guud  ahaan xafladda  oo hadda si toos ah looga daawanayo telefishanada dalkan yemen waxa ay u dhacaysaa si aad uwanaagsan  waxana madaxda ay aad ula dhacsan yihiin ciyaaraha kala duwan iyo ee isugu jira dhaqanka iyo hiddaha iyo heesaha lagu bandhigay goobtaas
 
Magaalada Cadan oo ah magaalo aad uda,weyn taariikh ahaan ayaa waxa lagu xasuustaa soomaali  badan oo degganaan jiray  waqtigii ingiriska waxana la sheegay in Soomaalidu ay ahaayeen kuwii degmo ahaan ugu badnaa magalaada Cadan waxana ay halkaa tegeen kadib dagaalkii labaad ee adduunka iyagoo kamid ahaa askartii ingiriiska iyo shaqaalalihii kale ee maraakiibta ka shaqayn jiray.

Waxa magaalada Cadan ku yaalla xaafado badan oo loo dhisay dadkii Soomaalida ahaa kuwaasoo leh magac Afsoomaali ah waxana kamid ah Tawaahi oo ah Tawaada , Qallooca, Sheekh Isaaq, Macallaa oo ah suuqii hilibka, shaanshaan iyo meelo kale.
 
Magaalada Cadan oo ahayd magaaladi ugu caansanayd xagga ganacsiga dunida ayaa waxa ay xornimadeeda qaadatay 29/11/1967kii waxana ay dabadeed soo martay xukunno badan oo ah mid millatari oo taageero kahaystay midawgii soofiyatii iyo kuwo kale  iyadoo sidaa ku sugan ayaa waxa sannadkii 1990kii ay lamidawday dalkii kale ee la oran jiray Yementa waqooyi sidaaa darteed ayaa waxa  isaga baxay intii badnayd ee Ajaanibka ahayd gaar haan Soomaalida iyo Hindida oo ugu badnaa magaaladaas.
 
Magaalada Cadan ayaa waxa hadda kamuuqada waxoogaa horumar ah  waxan lagu daray goobo waawayn oo loogu talo galay ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka Yemen waxana loogu magacdaray magaaladii ganacsiga iyo dhaqaalaha  iyadoo halkaa degeen dadbadan oo u dhashay  gobolada waqooyi ee dalka Yemen si ay uga faa,iidaystaan ganacsiga ay magaaladaasi caanka ku tahay
 

Weriye:-
Cilmi Yuusuf Caddaawe
Lughayanews-Sanca